Dawladda Uganda oo Shaqada ka Joojisay Askar ka Tisran AMISOM oo Lagu Eedeeyay Kufsiga Haween ku Nool Muqdisho.

0
Thursday November 06, 2014 - 21:47:01 in by salman abdi
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Uganda oo Shaqada ka Joojisay Askar ka Tisran AMISOM oo Lagu Eedeeyay Kufsiga Haween ku Nool Muqdisho.

    Ciidamada Ugandha ayaa shaqada ka joojiyay 15 saraakiil sarsare oo ka mid ahaa ciidamada AMISOM, kuwaas oo lagu eedeyay inay laaluush ka qaateen ciidamada iyaga ka hooseeya oo ay uga bedesheen fursado ciidamo loogu daad gureynaayay Soomaaliya si ay u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ugandha ayaa shaqada ka joojiyay 15 saraakiil sarsare oo ka mid ahaa ciidamada AMISOM, kuwaas oo lagu eedeyay inay laaluush ka qaateen ciidamada iyaga ka hooseeya oo ay uga bedesheen fursado ciidamo loogu daad gureynaayay Soomaaliya si ay uga qeybgalaan howlgalka nabad ilaalinta.


Afhayeenka ciidamada, Col. Paddy Ankunda ayaa u sheegay warbaahinta dalka Uagandha in howlgal ballaaran lagu sameynayo dhammaan noocyada musuqmaasuqa, oo ay ka mid tahay askarta galmo uga bedeshay gabdhaha ciidamada Ugandha ka mid ah, ee doonayay inay aadaan Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyaan.

AMISOM waxaa maalgeliya midowga Yurub, waxaana la siiyaan mushaar aad u badan kuwa Soomaaliya la geeyo lacagtaas oo aysan heli karin kuwa gudaha ka shaqeeya.

Farqigaas ayaa keenay in ciidamo badan ay laaluush bixiyaan si ay uga qeybgalaan howlgalka Soomaaliya ee midowga Afrika.

Musuqa ciidamada Ugandha

Howlgalka Nabadda ee Soomaaliya, kaas oo socda tani iyo 2007-dii, ayaa la sheegay in uu sababay in meelaha qaar ee Soomaaliya ay ku soonoqoto nolosha caadiga ah.

Balse ciidamada Ugandha waxaa haysto dhibaato ah la la xillanta musuqa lagu eedeeyay ciidankooda, oo uu ka mid yahay Michael Ondoga, oo ahaa taliyihii ciidamada Ugandha ka jooga Soomaliya ee 2013-kii, balse hadda ay dacwo uga socoto maxkamad militari, kaas oo loo haysto dembiyo kala duwan oo ay ka mid tahay inuu six un u isticmaalay saadka ciidanka.

Bishii September ee sanadkan, hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku sheegtay warbixin in ciidamada Ugandha iyo Burundi ay dumar Soomaali ah ay ku qasbeen inay u galmoodaan oo ay uga bedeshaan kaalmo iyo gargaar ay u baahnaayeen.

Taliyaha ciidamada Ugandha, General Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidamada shaqada laga joojiyay la siinayo fursad ay isku difaacaan.


Contact@afkashacabka.com