"Dagaalkii Uu Farmaajo Keenay Tuke-raq, Ka Uu Ka Wado Buuhoodle Badhan Inaanu Xamar Geyno Ayaanu Doonaynaa" Faysal Cali Waraabe

0
Wednesday November 04, 2020 - 11:09:04 in by salman abdi
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dagaalkii Uu Farmaajo Keenay Tuke-raq, Ka Uu Ka Wado Buuhoodle Badhan Inaanu Xamar Geyno Ayaanu Doonaynaa" Faysal Cali Waraabe

    "Dagaalkii Uu Farmaajo Keenay Tuke-raq, Ka Uu Ka Wado Buuhoodle Badhan Inaanu Xamar Geyno Ayaanu Doonaynaa" Faysal Cali Waraabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dagaalkii Uu Farmaajo Keenay Tuke-raq, Ka Uu Ka Wado Buuhoodle Badhan Inaanu Xamar Geyno Ayaanu Doonaynaa" Faysal Cali Waraabe – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Faysal Cali Waraabe oo Labadii Toddobaad ee u dambeeyay dalka kaga maqnaa Safar dibedeed islamarkaana Magaalada Nairobi kaga qayb-galay shir ay yeesheen Waxgarad iyo siyaasiyiin ka mid ah Beelaha Dir, ayaa khudbad uu Shalay ka jeediyey Xaflad loo sameeyay Arday ka qalin-jebiyey Jaamacad ku taalla Hargeysa, wuxuu sheegay in dagaal uu Farmaajo keenay Tuke-raq, mid uu ka wado Badhan iyo Buuhoodle ay doonayaan inay u rarraan Magaalada Muqdisho. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Soomaaliya ma jirto wax Dawlad la yidhaahdo oo jirta, Magaalada Muqdisho ayuun bay Marba Qolo fadhiisataa oo ay tidhaahdaa Dawlad baanu nahay, waana meesha la innaga dilo, doorkana Dadkii u xumaa ee Cadowgeena ahaa baa fadhiistay, doorashadeedii baa jirta, Waa Qabaa’il nidaamka 4.5 ah, marba qolo ayay halkaa fadhiisiyaan.” Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay "Waxaanu doonaynaa Dagaalkii uu Farmaajo keenay Tuke-raq, ka uu ka wado Buuhoodle iyo Badhan inaanu Xamar geyno haddii Allaah yidhaahdo oo aanu Xamar ka saarno, Waayo? Qalwadii ina Siyaad baa galay, ina Siyaad baanu Xamar ka saaraynaa haddii Allaah yidhaahdo oo Saacadda dib ugu celinaya 1969-kii…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu la dardaarmay Shacabka Somaliland "Haddaad halkan uun fadhidaan oo ka sheekaysaan Siciid baa u jawaabay Maxamed Kaahin, Muusaa Oodeyne Caano lagu soo siiyey, kornayl Mire ayaa yimid, waxaas Adduunka kama jiro, Adduunku wuu isbeddelayaa, Geeska Afrika iyo halkan aynu degganahay ayuu ka socdaa dagaalku, intaad isku meeraysanaysaan waalla idiin tashanayaa, Siyaaasiyiinta waxaanu leenahay kor Madaxa u qaada, Waa inaynu cadowgeena eegnaa, Waayo? haddii aynu innagu Cadow isku noqono geedkaa gaadhi mayno. Waa inaynu dalkeena ilaalinaa, dalkeena aaminaa, waayo? Xamar waxba ma yaallaan oo Xabad baa taalla, Isqarxi baa yaalla.