Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

0
Wednesday November 04, 2020 - 11:14:09 in by salman abdi
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

    Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray goor dhaw magaalada Jowhar oo maanta lagu waddo in ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamaanka Labaad ee dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

Safarka Shariif Sheekh Axmed Jowhar ayaa noqonaya kii labaad muddo Afar cisho ah gudaheed, laman oga ujeedada socdaalka Shariif oo safarkiisa ku wehlinayaan mas'uuliyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Socdaalkii kan ka horeeyay ee Shariif Sheekh Axmed uu ku taggay Jowhar ayuu ku sheegay in uu la xiriiray heshiis laga gaaro khilaafka ka taagan dhismaha 2aad ee Hirshabeelle ka hor inta aan la aadin doorasho, iyadoo ay jiraan siyaasiyiin iyo waxgarad tabasho ka qaban habka loo maamulayo doorashada Kursiga ugu sarreeya maamulka ee madaxweynaha.