Mahdi Guuleed Oo Lagu Bahdilay Magaalada Muqdisho "Xamar Waxay Ku Caan Tahay Koriso, Kibriso Iyo Kufiso"
Mahdi Guuleed Oo Lagu Bahdilay Magaalada Muqdisho "Xamar Waxay Ku Caan Tahay Koriso, Kibriso Iyo Kufiso" Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaare
ku xigeenka xukuumadda federaalka Mahdi Maxamed Guuleed oo qoraal uu soo saaray ku dhaleeceeyey
war-saxaafadeedkii ay ku mideysnaayeen musharaxiinta ugu caansan ee u taagan xilka madaxweynaha
Soomaaliya.
Mahdi Guuleed ayaa qoraalkaas ku yiri, "Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay
mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo
Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”
Mahad Salaad oo ka jawaabaya hadalka Mahdi Guuleed ayaa yiri, "Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa
CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo
duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta
dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!”
Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa intaas ku sii daray "Gulledow
Xamar waxay caan ku tahay "KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU
FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin!”
Mahdi Guuleed Oo Lagu Bahdilay Magaalada Muqdisho "Xamar Waxay Ku Caan Tahay Koriso, Kibriso Iyo Kufiso"
Mahdi Guuleed Oo Lagu Bahdilay Magaalada Muqdisho "Xamar Waxay Ku Caan Tahay Koriso, Kibriso Iyo Kufiso"