Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Saluug Ka Muujiyey Muddada Diiwanagelinta Ee Gobolka Sanaag

0
Saturday November 14, 2020 - 12:16:17 in by salman abdi
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Saluug Ka Muujiyey Muddada Diiwanagelinta Ee Gobolka Sanaag

    Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Saluug Ka Muujiyey Muddada Diiwanagelinta Ee Gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Saluug Ka Muujiyey Muddada Diiwanagelinta Ee Gobolka Sanaag

 Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, kana soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ka hadlay Diiwaangelinta la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo, waxaanu wax aad loola yaabo ku tilmaamay in muddo kooban oo afar cisho ah laga dhigo, isagoo xusay in muddadaas aanay dadku ku wada qaadan karin.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo u warramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Kaadhadhka cod-bixinta in la qaato, si Doorashada loogu galo waan soo dhaweeynayaa, laakiin Gobolka Sanaag, waa Gobolka ugu balaadhan, uguna baaxada weyn, oo aan aniguna ka soo jeedo, laakiin sinaba suurtagal ku noqon mayso in afar cisho lagu dhamaystiro, maxaa yeelay Gobolka deegaankaasi aad buu u kala durugsan yahay, dadkuna meel aad u kala fog ayey kala joogaan, markaas waxay ahayd in afartaas cisho laga kordhiyo, si dadku isku soo gaadho oo dadku fursad ay isku Diiwaangeliyaan u helaan”.

Dhanka kale, wuxuu ayaan-daro ku tilmaamay go’aanka ay Xukuumaddu ku joojisay Gawaadhida Vits-ta, waxaanu xusay in dhalinyaro badan ay kala soo baxaan masruufkooda iyo masruufka reerahooda, waxaanu sheegay inay go’aankaas Xukuumaddu ku deg-degtay, oo aanay ahayn qorshe kale oo ay ku beddesho.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay dib u heshiisiin ay ka dhex wadaan laba Beelood oo dagaal ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaanu xusay inay ilaa hadda meel wanagsan wax u marayaan.