Ciyaar Yahanada MESSI Iyo RONALDO Ma la odhan karaa Waa Labada Xidig Ee Adduunka Ugu Fiicna Wixii Ciyaartoy Soo Maray. Dood Furan

0
Friday November 07, 2014 - 13:07:13 in by Burco Office
  • Visits: 4202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaar Yahanada MESSI Iyo RONALDO Ma la odhan karaa Waa Labada Xidig Ee Adduunka Ugu Fiicna Wixii Ciyaartoy Soo Maray. Dood Furan

    Marka hore waa su'aal sanado badan soo taagnayd in lakala saaro midka fiican Messi iyo Ronaldo, waana dood sii socon doonta sanadaha inagu soo aadan haddii ay sii wadaan qaab ciyaareedkii lagu bartay sanadihii ugu danbaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waa su'aal sanado badan soo taagnayd in lakala saaro midka fiican Messi iyo Ronaldo, waana dood sii socon doonta sanadaha inagu soo aadan haddii ay sii wadaan qaab ciyaareedkii lagu bartay sanadihii ugu danbaysay.


Marka hore waa qalad in lays barbar dhigo Messi iyo Ronaldo, sababtoo ah isku boos ma aha isla markaana isku qaab ciyaareed ma aha, balse waxaa keentay in lays barbar dhigo wacdaraha joogtada ah ee ay ka dhigayaan garoomada kubbada cagta.

Guud ahaan Messi iyo Ronaldo ayuu qaab ciyaareed koodu si buuxda u kala duwan yahay balse waxaa markasta dooda dhalisa oo ay dadka aduunku ku kala duwan yihiin midkii la odhan lahaa waa ciyaartoyga fiican, run ahaantiina markaad mid eegtaba waxaad odhan kartaa malaha kan ayaa aduunka ugu fiican.

Doodu kuma koobna oo kaliya kee ayaa fiican Ronaldo iyo Messi, balse waxaa jirta dood kale oo taas barbar socota oo ah Messi iyo Ronaldo ma yihiin xidigihii aduunka soo mara kuwa ugu fiican? Waa dood kale oo ay dadka aduunku kula qaybsameen.

 

 

messi-vs-ROnaldo2

Halyayadii hore ee Brazil iyo Argentina ee Pelle iyo Maradona ayay dadka qaar ku doodaan inay yihiin labada aduunka abid ugu fiican balse dadbadan ayaa aaminsan in Messi iyo Ronaldo ay ka fiican yihiin Pelle iyo Maradona oo ay kala wareegeen labada ciyaartoy ee taariikhda kubbada cagta ugu fiican.

Haddii ay Pelle iyo Maradona ahaayeen labada ugu fiican kubbada cagta jiilkii hore waxaa hubaal ah inay Ronaldo iyo Messi ay iyaguna yihiin labada laacib ee aduunka ugu fiican liilka danbe.Pelle And Maradona

Waxakale oo jiray ciyaartoy badan oo kubbada cagta magac iyo maamuus kuleh sida Zinedine Zidane oo kale balse marka si guud loo hadlayo ayaa Pelle iyo Maradona loo arkaa inay yihiin labadii laacib ee aduunka soo mara ee ugu fiicnaa. Balse taasi waxay u muuqataa inay Messi iyo Ronaldo soo gabagabayn doonaan.

Laakiin is barbar dhiga Pelle iyo Maradona iyo waliba Messi iyo Ronaldo ayaa iyaduna qalad ah sababtoo ah isku waqti iyo isku xirfad kamay wada ciyaarin laakiin waxaa keenaysa in lays barbar dhigo guulaha iyo wacdaraha ay kubbada cagta ka dhigeen.

Xaqiiqda marka la eego Messi iyo Ronaldo waxay ka ciyaarayaan heer ay kubbad cagta la isticmaalayo xirfad iyo maskax furnaan halka waqtiyadii hore ay kubbadu orod iyo xoog ku dhisnayd. Maradona iyo Pelle iyaga laftoodu waxay ka soo ciyaareen Yurub balse Ronaldo iyo Messi ayaa kaga rekoodh fiican halka iyaguna ay dheer yihiin inay koobab aduun ku guulaysteen.

Haddii aan u soo gunda dagno maqaalkeenan isla markaana aan ku horayno is barbar dhiga Messi iyo Ronaldo. Ugu horayn Ronaldo waa ciyaartoy 29 sano jir ah isla markaana ay bilo uga hadhsan yihiin 30 jirkiisa halka uu Messi yahay 27 sano jir.waxayna wali haystaan sanado ay ku sii ahaan karaan labada ciyaartoy ee aduunka ugu fiican. farqiga u dhexeeya da’da labadan laacib aya ah 3 sanno tan ayaana ah sababta uu Ronaldo markasta ugu kulan ciyaaris badan yahay Messi, waxaana suurtogal ah inuu Messi isna ciyaaraha kaga danbayn karo haddii uu Ronaldo ku soo horeeyay.mesi

Messi iyo Ronaldo ayaa tan iyo sanadkii 2008- 2013 ahaa labada laacib ee aduunka ugu wanaagsan, waxayna dhexdooda lixdii sano ee ugu danbaysay ku guulaysteen lix abaal marinta Balon d’orka ah, taas oo muujinaysa qaab ciyaareed kooda joogtada ah. Dadka qaar ayaa Ronaldo iyo Messi ku tilmaama inay yihiin laba ciyaartoy oo aduunyo kale ka yimid taas oo micnaheedu yahay inay yihiin labada xidig ee abid aduunka ugu fiican.ronaldo2

Inasta oo ay Messi iyo Ronaldo yihiin laba ciyaartoy oo ku xifiltama kubbada cagta ayay haddana qirteen inuusan xidhiidhaka shaqsiga ah ee ay leeyihiin uuna ahayn mid xun balse uu ku kooban yahay uun marka garoonka lagu jiro. Waxayna labadan laacib hore u cadeeyeen inaysan jirin cadaawac shaqsiya oo u dhaxaysaa.ronaldo-vs-messi

Ronaldo iyo Messi ayaa markasta ah labada ciyaartoy ee inta badan ku tartama abaal marinaha shaqsiga ah sida Balon d’orka iyo rekoodhada gool dhalinta ee horyaalka Spain iyo kan qaarada Yurub.

Messi ayaa abaal marinta kubbada cagta aduunka ugu qaalisan ee Balon d’or ka ku guulaystay afar jeero oo isku xigta, waana ciyaartoygii ugu horeeyay ee abib afar jeer oo isku xigta ku guulaysta. Messi ayaa abaal marintan ku guulaystay sanadihii 2009,2010,2011 iyo 2012.Messi

Ronaldo ayaan dhankiisa dabyar shidayn, waana ciyaartoyga hadda abaal marinta Balon d’orka difaacanaya wuxuuna ku guulaystay laba jeer oo kala ah sanadkii 2008 markaas oo uu joogay Man United iyo tan uu hadda haysto oo uu ku guulaystay 2013. Ronaldo ayaa markisii saddexaad la odhan karaa wuu ugu cad cad yahay inuu ku guulaysto abaal marintan sanadkan 2014.Ronaldo1

Dhanka kale Messi iyo Ronaldo ayaa xili ciyaareedkan u tartamayay rekoodhka gool dhalinta ee Champions Leaquega ee uu haystay Raul kaas oo Champions Leaqeuga ka dhaliyay 71 gool.

Lionel Messi ayaana xalay nasiib u helay inuu rekoodhkaas la barbareeyo kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kulankii ay Barcelona 2:0 ku garaacday Ajax.Messi1

Messi ayuu hal gool oo kaliya ka xigaa inuu noqdo ciyaartoygii abid ugu goolasha badnaa ee Champions Leaquega, wuxuu Messi sidoo kale hal gool u jiraa inuu noqdo ciyaartoygii abid ugu goolasha badnaa horyaalka Spain, todobaadada soo socda ayaana la rajayanyaa inuu labadan gool dhalin karo.

Messi ayaa 90 kulan ku dhaliyay 71 gool oo champions Leaquega ah taas oo micnaheedu yahay inuu kulankasta heerka gool dhalintiisu ahaa 0.79. Messi ayaana Ronaldo dheer 0.13 heerka gool dhalinta kulankasta.Raul oo ah ninka rekoodhkan haystay ayay 142 kulan ku qaadatay inuu 71 gool dhaliyo,wuxuuna heerka gool dhalintiisu ahaa kulankiiba 0.5.Raul, Messi iyo Ronaldo

Ronaldo ayaa 15 gool oo Champions leaquega ah u dhaliyay Man united halka uu Real Madrid u dhaliyay 55 gool oo Champions Leaquega ah, sidaana wuxuu ku dhaliyay 70 gool, Ronaldo ayaa goolashan ku dhaliyay 106 kulan wuxuuna heerka gool dhalintiisa ee kulan kastaaba noqonayaa 0.66. waa hubaal in rekoodhka gool dhalinta ee ay Ronaldo iyo Messi dhigaan uu muddo dheer sugi doono cidii jabin lahayd marka aad eegto sida ay ku socdaan.

Dhanka kale Ronaldo ayaa xili ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareed aan hore loo arkin isagoo 10 kulan oo horyaalka La Ligaha ah ka dhaliyay 17 gool wuxuuna diyaar u yahay inuu markii labad oo isku xigta ku guulaysto kabta dahabka ah ee Yurub oo ay xili ciyaareedkii hore ku wada guulaysteen Luis Suarez. Ronaldo ayaa sidoo kale ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa xili ciyaareedkii hore.Kabtan ayaana Ronaldo shalay la gudoonsiiyay.Ronaldo

Messi ayaa kooxdiisa Barcelona kula guulaystay 3 koob oo Champions League ah, lix koob oo horyaalka La Liga-ha Spain ah, laba koob oo ah koobka kooxaha aduunka ee Club World Cupka, Laba koob oo Cope Del rey ah iyo shan koob oo ah Supercopa de España.

Ronaldo ayaa kooxaha Man United iyo Real Madrid kula guulaystay Champins leaquega. United ayuu kula guulastay 2008 halka uu Real Madrid kula guulastay 2014. Real Madrid ayuu sidoo kale kula guulaystay hal koob oo horyaalka La ligaha ah, 2 koob oo Copa Del Rey ah iyo hal koob oo EUFA Super Cupka ah. Wuxuuna sidoo kale Man United kula guulastay 3 koob oo horyaalka Ingiriiska ah.

Qaar ka mid ah Rekoodhada Messi:

– Goolasha Ugu badan ee ciyaartoy hal xili ciyaareed dhaliyo: 50 gool
– Saddexlayda ugu badan ee ciyaartoy hal xili ciyaareed dhaliyo: 8 Saddexley.

– Ciyaartoygii ugu horeeyay ee abid afar jeer oo isku xigta ku guulaystay abaal marinta Balon d’orka.
– Ciyaartoyga goolasha ugu badan kadhaliyay Supercopa de España: 10 gool
– Goolsha ugu badan ee uu ciyaartoy dhaliyo kulamo isku xiga oo horyaalka ah: 21 kulan, 33 gool.
– Ciyaartoyga ugu goolasha badan El Clásico: 21 gool.

-Ciyaartoyga 3 jeer ku guulaystay kabta dahabka ah ee Yurub, waxayna wadaagaan Cristiano Ronaldo.

Messi ayaa buuga dhacdooyinka aduunka ee Guinness World Recordka ku galay goolasha rasmiga ah ee ciyaartoy dhaliyo hal sano, wuxuuna sanadkii 2012 dhaliyay 92 gool.

Qaar ka mid ah Rekoodhada Ronaldo

  • Ciyaartoyga 3 jeer ku guulaystay kabta dahabka ah ee Yurub, waxayna wadaagaan Messi.

  • Ciyaartoygii ugu horeeyay ee Champions Leaquega hal xili ciyaareed ka dhaliya 17 gool.

  • Ciyaartoygii ugu horeeyay ee Champions Leaquega hal xili ciyaareed heerkiisa groupyada ka dhaliya goolasha ugu badan wuxuuna dhaliyay 9 gool.

  • Ciyaartoygii ugu horeeyay laba kooxood oo kala duwan abid kabta dahabka ah ee Yurub ku Wuxuu kabta dahabka ah ku guulaystay waqtigiisii Man United iyo Real Madrid.

  • Ciyaartoygii abid sida ugu dhakhsaha badan horyaalka Spain ku gaadha 150 gool.

Halkan ka daawo 30 ka gool ee ugu quruxda badan waayaha ciyaareed ee Messi iyo Ronaldo:

Is barbar dhiga Waayaha Ciyaareed ee Messi iyo Ronaldo:Messi and Ronaldo isbarbardhiga

Haddaba marka aad eegto isla markaana aad dhex dhexaad ka noqoto waxa ay kubbada cagta Messi iyo Ronaldo ay ka samaynayaan ayay kuu muuqanaysaa inay yihiin labadii ciyaartoy ee abid aduunka ugu fiicnaa balse waxaa ka sii adag inaad iyaga laftooda kala saarto oo aad tidhaahdo Messi yaa fiican ama Ronaldo ayaa ah xidiga aduunka ugu fiican.

Haddaba akhriste marka aad daawato muuqaalka 30 gool ee ugu quruxda badan ee ay dhaliyeen Messi iyo Ronaldo, aad u fiirsato qaab ciyaareedka joogtada ah ee ay sanadihii ugu danbeeyey ku jireen, oo aad ku darsato abaal marinaha shaqsiga ah ee ay ku guulaystay isla markaana aanad hilmamin doorka ay ku lahaayihiin guulaha ay kooxahoodu gaadhayaan, ugu danbayna aad maanka ku hayso rekoodhada ay jabinayaan ama ay dhigayaan, miyaan la odhan karin Messi iyo Ronaldo waa labadii ciyaartoy ee abid ugu fiicnaa kubbada cagta aduunka?

Ma qasabaa inaad laacibka aduunka abid ugu wanaagsan ku noqon karto oo kaliya marka aad ku guulaysato koobka aduunka? 




Afkashacabka.com/ Cayaaraha 

Contact@afkashacabka.com