"Hamigeygu Waa Sarreynta Sharciga Iyo Ilaalinta sharafta Shicibka." Barkhad Jaamac Batuun.

0
Sunday November 15, 2020 - 10:19:19 in by salman abdi
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hamigeygu Waa Sarreynta Sharciga Iyo Ilaalinta sharafta Shicibka." Barkhad Jaamac Batuun.

    "Hamigeygu Waa Sarreynta Sharciga Iyo Ilaalinta sharafta Shicibka."Barkhad Jaamac Batuun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hamigeygu Waa Sarreynta Sharciga Iyo Ilaalinta sharafta Shicibka."Barkhad Jaamac Batuun. Waxaan maanta si rasmiya ugu dhawaaqayaa in aan isu sharaxi doono Doorashadda Goolaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Kadib, markaan ku qancay tallo soo jeedin badan oo iga timid dadka jecel in Somaliland dhanka siyaasadda ka gaadho horumar iyo guulo waaweyn oo ay caalamka iyo mandaqada geeska ee ay kamid tahay kula tartanto door mihiim ahna dhallinyaradda aqoonta sharci leh sannadkan ku yeeshan doorashadda wakiiladda.
kadib markii aan garwaaqsaday in qaranku u baahan yahay goole wakiileed oo leh xirfad sharci, awood ay kula xisaabtamaan xukumadda, aqoon ay ku sameeyeen xeerar badan oo qabyo qaranka ka ah uguna mihiimsan yihiin xeerarka 60 sanno jirtsaday ee dhex yaal Maxkamaddaheena lana jaan qaadi karin nolosha casriga ah kuwaas oo kaabis iyo wax ka bedel badan u baahan iyo in laga dhigo xeerar magacaga qaranka Somaliland ku qoran oo umaddani leedahay maadama oo kuwani yihiin kuwo dawladdii Somalia leedahay sidoo kalena la sameeyo xeerar badan oo dalkeenu u baahi qabo

Kadib markii aan ku qancay in loo baahan yahay cid bulshada baylahdeeda caafimaad, waddo, biyo, laydh, waxbarasho, horumar kula xisaabtanta hay'addaha xukumadda u xilsaaran arrimahaas waxay shacabka wax ugu qaban waayeen? Kadib markii ay i soo baxday in bulshadu ka daashay qabyaalad ay wax ku doorato una baahan tahay cid matalaadeeda iyo masiirkeeda qaada oo danaheeda dawladda u sheegta ayaan gaadhay go'aanka ah in aan isku sharraxo xildhibaan baarlaam. Waxaan ku kalsoonahay in aad igu garabsiin doontaan, igu taageeri doontaan, codkiinana igu dooran doontaan si aan idiinku adeego oo aan shaqaale shicib idinku noqdo balse aanan noqon mid shilimaadkiina urursada. hamigeygu waa sarreynta sharciga iyo ilaalinta sharafta shicibka."