Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aan Weli Fullin Nuxurka Heshiis Afar Qoddob Ka Koobnaa Oo Uu Sannadkii Hore La Galay MadaxDhaqameedka Deegaamada Sanaag Barri.

0
Monday November 16, 2020 - 12:20:42 in by salman abdi
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aan Weli Fullin Nuxurka Heshiis Afar Qoddob Ka Koobnaa Oo Uu Sannadkii Hore La Galay MadaxDhaqameedka Deegaamada Sanaag Barri.

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aan Weli Fullin Nuxurka Heshiis Afar Qoddob Ka Koobnaa Oo Uu Sannadkii Hore La Galay MadaxDhaqameedka Deegaamada Sanaag Barri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aan Weli Fullin Nuxurka Heshiis Afar Qoddob Ka Koobnaa Oo Uu Sannadkii Hore La Galay MadaxDhaqameedka Deegaamada Sanaag Barri. - Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in aanu fulin ilaa hadda saddex qoddob oo kamid ahaa nuxurka heshiis afar qoddob ka koobnaa oo uu kal hore Magaalada Hargeysa kula galay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Siciid Axmed oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo dhawaan socdaal ku tegay degaankaas ayaa sheegay inay odayaashu u sheegaan inay Madaxweynaha ka sugayaan inuu fuliyo heshiiskii afarta qoddob ahaa ee uu sannadkii 2019-kii kula galay Madaxtooyadda Somaliland, isla markaana uu ballan-qaaday inuu fulinayo,kaas oo ay xuseen inuu hal qoddob oo kaliya uu ka fuliyey. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa mar uu weftigaas uu qasrigiisa ku qaabilay sannadkii 2019-kii, isla markaana uu hadhimo sharafadeed ku maamuusay sheegay sidan "Weftiga ka yimi bariga Sanaag waannu soo dhaweynaynaa, waxannu usoo dhaweynaynaa waa qayb kamid ah Somaliland oo aannu muddo kala maqnayn oo Ilaahay Maanta isu kaaya keenay, Somaliland-na maanta waxa ay u baahan tahay taladiinna, maskaxdiinna, waxtarkiinna, aqoontiinna iyo baayac-mushtarkiinna, waayo deegaanka aad ka timmaadeen Soomaalida oo dhan wuu ka tilmaaman yahay,Dawladnimo aynnu wada-dhisanno baan idiinku yeedhay, waxa aynnu haysanno oo dhexdaas inoo yaalla ayeynu ka dhigannay, walaalow adigaa leh iyo cun iyo cun baynnu ku wada-hadalnay.” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Suldaan Maxamed Cabdilaahi Cartan oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda bariga gobolka Sanaag iyo Badhan oo halkaas hadal isla cahdigaasi ayaa sheegay sidan :-"Waxannu madaxweynaha u caddaynaynay inaannu diyaar u nahay inaannu dawladda kala shaqaynno wixii horumarin ah ee deegaankaas ku saabsani sidii ay u suuroobi lahayd ee ay dawladda iyo shacabkaasi u wada-shaqayn lahaayeen, loona dardargelin lahaa is-fahanka dawladda iyo shacabka, waxana aannu rajaynaynaa inay arrimahaasi dhammaan hirgeli doonaan, dadka dhulkaas deggenina ay gobollada kale lasoo sinmi doonaan, gacanta dawladduna gaadhi doonto, baahiyahooda iyo meelaha ugu daranna warbixintooda waannu dhiibnay, dawladduna way garowsatay, waxana ay ballan qaadday inay si rasmi ah wax uga qaban doonto.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Siciid Axmed oo dhawaan ka soo leebtay socdaal uu ku tegay deganaada Badhan iyo Sanaag Barri ayaa sheegay in aanu Madaxweyne Biixi fulin weli heshiiskii uu la galay gu’gii hore Madax-dhaqameedka Barriga Sanaag Iyo Badhan, waxaanu xusay inay ka sugayaan Madaxweynaha inuu fuliyo heshiiskaas. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed oo shalay Hargeysa kula hadlay War-baahinta ayaa sheegay sidan:"Madaxweynaha markii odayaashii yimadeen ee ay ka yimadeen Bariga iyo Dhahar 2019-kii Madaxweynuhu marka ugu horeysaya afar qodob ayuu kula heshiiyey,hal qodob ayuu ka fuliyey oo ahaa qodobkii Mashariicda si fiican ayaa dhulkaa Mashariicda looga sameeyey oo mashariic wanaagsan ayaa laga hirgeliyey, saddex-dii kale lama hayo Wasiirkii waan kaa sugaynaa Gobolkiina waan kaa sugaynaa ,wixii aad ballan-qaaday waan kaa sugaynaa Madaxweyne derajadii ciidankana waan kaa sugaynaa, marii aan ka imanaayey Dhahar naga gaadhsii ayaa la yidhi Madaxweynaha, markaa Madaxweyne ballankii aad qaaday ee aad odayaasha u qaaday waa lagaa sugayaa ha ugu horeyeen Wasiirkii Buuxay iyo gobolkii , dadku gobolkii wey sugayaan wey soo dhaweynayaan shaqaale ayaa laga helayaa wax-badan ayaa soo dhawaanaya , dadku ma fogee dadka ha iska fogeynin.”ayuu yidhi