LIVERPOOL OO XIDHIIDH JOOGTO AH LA SAMAYNAYSA DA'YARKEEDA AMAAHDA KAGA MAQAN EE DIVOCK ORIGI

0
Friday November 07, 2014 - 13:27:36 in by Burco Office
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LIVERPOOL OO XIDHIIDH JOOGTO AH LA SAMAYNAYSA DA'YARKEEDA AMAAHDA KAGA MAQAN EE DIVOCK ORIGI

    Tababaraha Liverpool ee Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday inay daraasaynayaan bandhiga kasta oo uu sameeyo da'yarka amaahda kaga maqan ee Divock Origi kaas oo amaah hal xili ciyaareed ah kula jooga kooxdiisii hore ee Lille.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Liverpool ee Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday inay daraasaynayaan bandhiga kasta oo uu sameeyo da'yarka amaahda kaga maqan ee Divock Origi kaas oo amaah hal xili ciyaareed ah kula jooga kooxdiisii hore ee Lille.

19 jirkan ayay Reds xagaagii dhawaa la soo wareegeen kadib markii uu qaab ciyaareedfiican ku soo bandhigay tarankii koobka aduunka. Balse Liverpool iyo Lille ayaa ku heshiiyay inuu Origi baaqi ku sii ahaado kooxda Lille xili ciyaareedkan.


Kadib markii ay Balotelli iyo Lambert oo weerar u ah liverpool ay ku guul daraysteen inay samayn ku yeeshaan kooxdooda ayuu soo baxay war sheegaya inay Liveprool bisha January dib ugu yeedhanayso Origi isla markaana ay Balotelli amaah ugu dirayso Lille balse tababaraha Lille ayaa cadeeyay inaysaysan Liverpool arintaa kala soo xidhiidhin kooxdiisa.

Rodgers ayaa yidhi: "Waxaan haystaa dhamaan bandhigiisa kulamada oo dhan, waxaana internetka iiga soo dajiyay shaqaalaha kooxda, xidhiidh fiican ayaanu la leenahay Origi, waananu caawinaynaa. Waa da’yar hibo fiican leh.”

"Marka uu France ka ciyaaro, waan soo dajisanaa ciyaarta oo dhan kadibna waanu daraasaynaakadibna xidhiidh ayaanu la samaynaa si aanu ugu sheegayno halka uu ubaahan yahay inuu horumar ka sameeyo. Wuxuuna samaynayaa wax aad u fiican”

Origi ayaa hadda ku sugan magaalada Liveprool oo uu kaga qayb galaayo kulanka dhexmaraaya kooxaha Everton iyo Lille oo ka tirsan Europa Leaquega. 



Contact@afkashacabka.com