Rai'sul-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Digniin Kama Dambeys Ah Bixiyay & Xaalada Dagaalka Tigeyga Oo Sii Xoogaystay.
Rai'sul-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Digniin Kama
Dambeys Ah Bixiyay & Xaalada Dagaalka Tigeyga Oo Sii Xoogaystay. Rai'sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in
howlgalka militari ee ka dhanka ah gobolka Wuqooyi ee Tigrey uu galay "Wajigii ugu dambeeyay". Abiy
Ahmed ayaa sheegay in saddexdii maalmod ee kama dambeysta ahayd ee loo qabtay xoogagga tigrey inay
isku soo dhiibaan uu imika dhamaaday.
Dhanak kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in hormaro ay ka sameysay dagaalka ka socda gobolka
Tigrey, islamarkana ay ku sii jeedaan caasimada gobolka Tigrey ee, Mekelle Xoogagga Tigrey ayaa waxay
dhankooda sheegeen inay ciidamada dowoladda iska caabiyeen magaalada lagu magacaabo, Alamata.
Boqollaal qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen muddadii labada toddobaad ahayd ee uu dagaalku socday
Waxaa sidoo kale dagaalkan ku baarakacay ugu yaraan 27,000 qof Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in
"xaalad bina'aadanimo oo ballaaran" ay soo fool leedahay.
Waxaa aad u adag in warar sax ah laga helo gobolka Tigray maadaama khadadka taleefoonada iyo Internetka ay go'an yihiin Dagaalka ayaa bilaabmay 4 November ka dib markii ay dowladda dhexe sheegtay in
xogagga Tigrey ay weerareen saldhig milatari, islamarkana ay ciidamada dowladda howlgalo bilaabeen
Xisbiga TPLF ayaa u arka dowladda mid sharci daro ah, iyaga oo ku dooday in Mr Abiy uu ka dhamaaday
muddada xileedkii loogu tala galay ka dib markii uu dib u dhigay doorashada sababo la xiriira feyriska
Corona.
Rai'sul-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Digniin Kama Dambeys Ah Bixiyay & Xaalada Dagaalka Tigeyga Oo Sii Xoogaystay.
Rai'sul-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Digniin Kama Dambeys Ah Bixiyay & Xaalada Dagaalka Tigeyga Oo Sii Xoogaystay.