"Waxa Naga Daacad Ah In Somaliland Aanu Garab Istaagno Waqtiga Adag…" Safiirka Dalka Taiwan Ku Leeyahay Somaliland

0
Wednesday November 18, 2020 - 13:11:49 in by salman abdi
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Naga Daacad Ah In Somaliland Aanu Garab Istaagno Waqtiga Adag…" Safiirka Dalka Taiwan Ku Leeyahay Somaliland

    "Waxa Naga Daacad Ah In Somaliland Aanu Garab Istaagno Waqtiga Adag " Safiirka Dalka Taiwan Ku Leeyahay Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa Naga Daacad Ah In Somaliland Aanu Garab Istaagno Waqtiga Adag " Safiirka Dalka Taiwan Ku Leeyahay Somaliland Safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou ayaa sheegay in dawlad ahaan ay go’an tahay in ay garab istaagan Somaliland xilliyada adag, kana dhabeeyaan ballanqaadyadii ay hore u sameeyeen . Ambassador Allen C. Lou oo ka hadlayey kulan lagu gorfanaayey adeega hooyada iyo dhallaanka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayaan adeegyada Caafimaadka . "Waxa muhiim ah in aanu ka dhabayno balanqaadyadii, aanu u samaynaya Somaliland , waxaanu daacad ka nahay in wakhtiyada adag aanu kala dabaalano Somaliland sida Caafimaadka” ayuu yidhi Somaliland iyo Taiwan ayaa bilaabay mashruuc lagu taageerayo adeega hooyada iyo dhallaanka kaasi oo ay fulinayso ha’yadda horumarinta debadda ee dawladda Taiwan. Mashruucan ayaa waxa ka wada shaqaynayaa cisbitaalada labada dawladdood oo kashanaaya wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ha’yadda horumarinta debadda ee xukuumadda Taiwan. Mashruucan ayaa wax ka bedelaaya adeeg bixinta hooyooyinkeenu ay ka helaan xanaanooyinka iyo Cisbitaalada Dawladda