Saraakiil uu ka mid yahay Jen Gabre oo la amray in la soo xiro

0
Thursday November 19, 2020 - 11:27:51 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil uu ka mid yahay Jen Gabre oo la amray in la soo xiro

    Saraakiil uu ka mid yahay Jen Gabre oo la amray in la soo xiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil uu ka mid yahay Jen Gabre oo la amray in la soo xiro

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in booliska Federaalka ee waddankaas ay waaran soo qabasho ah u jareen 76 sarkaal oo ka tirsan milateriga, kuwaas oo loo haysto khiyaano qaran.

Saraakiishan oo darajooyin kala duwan leh ayaa u badan qowmiyadda Tigray, waxaana ka mid ah Jen Gabre oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Dhanka kale, xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay inay beegsanayso dadka rayidka ah ee deegaanka Tigray, xilli uu meel adag marayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Waxaa aad u adag in xog sax ah laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo maadaama khadadka isgaarsiinta ay wali go'an yihiin.

Hogaanka Tigray ayaa sheegay inay iska caabiyeen duulaanka, waxaana ay xukuumadda Addis Ababa ku eedeeyeen inay beegsanayso dadka rayidka ah.

Weli waxaa socda qulqulka qaxootiga ka cararaya colaadda Tigray ee gaaraya Sudan oo daris la ah dalka Itoobiya.


Dagaalka ayaa ku qasbay kumannaan qof in ay ka qaxaan Tigrey

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Dagaalka ayaa ku qasbay kumannaan qof in ay ka qaxaan Tigrey

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka

Billene Seyoum oo ah afhayeenka rai'sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa beenisay wararka sheegaya in meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Itoobiya la xirxirayo dadka kak soo jeeda qowmiyadda Tigrey.

Balse waxay qirtay in uu jiro xarigga xubno ka tirsan waxa ay ugu yeertay shabakad dambiilayaal ah.

Dhanka kale Ciidamada dowladda fedaraalka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen magaalooyiin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Tigrey.

Magaalooyiinka ay militariga qabsadeen ayaa waxaa ay kala yihin Shire iyo Axum.

Hogaamiyaha goboilka Tigrey Debretsion Gebremichael, oo qudhiisa ku dhashay magaalada Shire, ayaa telefishinka maxaliga ah u xaqiijiyay in magaalooyiinkaasi ay gacanta u galeen ciidamada fedaraalka.

Balse waxaa uu guusha ciidamada dowladda ku tilmaamay mid kumeelgaar ah.

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in dad gaaraya 36,000 qof oo dagaalada ka soo cararay ay soo gaareen dalkeeda.

Qaramada Midoobey ayaa ka digeysa xaalad bina'aadanimo oo ka dhalata dagaalka ka socda gobolka Tigrey ee waqooyiga dalka Itoobiya.