Cumar Carte Qaalib oo maanta lagu aasayo Hargeysa
Cumar Carte Qaalib oo maanta lagu aasayo Hargeysa
Alle ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Hargeysa lagu aasi doonaa ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Carte Qaalib, kaasoo shalay ku geeriyooday isla magaaladaasi.
Marxuumka oo indhawaalaba ku xanuunsanayay magaaladaasi ayaa waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Soomaaliya, waxa uuna ahaa ruug-caddaa muddo dheer soo shaqeynayay, Carabta, Afrika iyo Caalamkana aad looga yaqaannay.
Wasiirka warfaafinta ee Somaliland, Suleymaan Yuusuf Koore ayaa BBC-da u sheegay in ehelka marxuumka ay go'aamiyeen in saaka la aaso.
Saameynta uu siyaasadda ku lahaa waxay kasoo billaabatay xilligii uu gumeystaha heystay Soomaaliya, wuxuuna kaalmo muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii jiray ilaa burburkii Soomaaliya kaddib.
Cumar Carte Qaalib oo maanta lagu aasayo Hargeysa
Cumar Carte Qaalib oo maanta lagu aasayo Hargeysa