tabarahii Iyo Xidiga Bisha October Ee Horyaalka Ingiriiska Oo La Bixiyay Yaase Qaatay?
West Ham ayaa aruursatay abaalmarinada bisha ee horyaalka Ingiriiska kadib markii macalinkooda Sam Allardayce loo magacaabay macalinka bisha October ee horyaalka, halka sidoo kalana xidiga bisha October la siiyay Diafra Sakho.
West Ham guuldaro lama aysan kulmin bishii October, iyadoo weeraryahankooda Daifra Sakho uu shabaqa soo taabtay sadexdii kulan ee ay ciyaareen bishii October ee aynu kasoo gudubnay.
West Ham ayaa horaantii bisha October guul ku furtay markii ay xifaaltamayaashooda London ee QPR la kulmeen waxeyna ku xaaqeen 2-0, waxeyna sidoo kale guulo ka gaareen Burnley iyo Manchester City.
Labadaan shaqsi ayaa abaalmarintaan ku kala garaacay Jose Mourinho iyo Sergio Aguero oo ku jiray liiska la magacaabay ka hor intaan la bixin abaalmarinta.
Si kastaba Sakho ayaa garabka ka dhaawacmay kulankii ay kooxdiisa ka gaartay Manchester City, inkastoo uu haatan qarka u saaran yahay inu qeyb ka noqdo kulanka ay sabtida ku booqan doonaan Upton Park kooxda Aston Villa.
Macalin: Sam Allardyce
Weeraryahanka: West Ham: Diafro Sakho
contact@afkashacabka.com