Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland Iyo Faraqa U Dhexeeya Xidhiidhka Itoobiya Ee Xilligii Melez & Abiy Axmed.
Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland Iyo Faraqa U Dhexeeya Xidhiidhka Itoobiya Ee Xilligii Melez & Abiy Axmed. – Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ayaa Fadhigoodii shalay waxay
dood ka yeesheen siyaasadda Arrimaha dibeddu halka ay marayso, isbeddellada ka dhacaya Gobolka
Geeska Afrika iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Xildhibaannada oo soo bandhigay Aragtiyo kala gedisan oo la xidhiidha siyaasadda Arrimaha dibedda ee
Somaliland ayaa intooda badan waxay soo jeediyeen in kor loo qaado dedaallada la xidhiidha horumarinta
siyaasadda arrimaha dibedda, maaddaama oo ay tahay ta Somaliland ku xidhaysa dunida inteeda kale.
Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudenayaasha dooddaada ka dhiibtay arrintan ayaa si gaar ah
diiradda u saaray xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, isagoo farta ku goday siyaasadda Raysal-wasaaraha
cusub ee Itoobiya ee ku waajahan Somaliland iyo Soomaaliya Xildhibaanku wuxuu sheegay in Raysalwasaare Abiy Axmed uu ka shaqanayo sidii dib loogu midayn lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, halka
Raysal-wasaarihii Geeriyooday ee Itoobiya Melez Sanawi uu ka shaqanayey sidii Somaliland u Madaxbannaanaan lahayd.
Xildhibaan Dirir oo arrimaha ka hadlayaana wuxuu yidhi "Xidhiidhka Jabuuti Iyo Itoobiya wuu wanaagsan
yahay, Safaaradana way innaga joogaan, iyagana way innaga joogaan, laakiin waxaad mooddaa Itoobiya
xidhiidhkeenii inuu soo yar Qaboobayo..”
Xildhibaanku wuxuu sheegay oo kale "Itoobiyada Maanta iyo tii Melez Sanawi way kala duwan tahay, Melez Sanawi wuxuu ku dedaali jiray in Somaliland gooni isku taagto, laakiin Warar aan hayo Itoobiyada
uu Abiy Madaxda ka yahay waxay doonaysaa in Somaliland iyo Soomaaliya la isku daro, laba Tusaale
ayaan soo qaadanayaa, mid waa isku daygii uu Abiy Axmed isku dayey inuu halkan (Somaliland) Farmaajo
keeno, midna waxa weeyaan arrin Xanaf leh oo ka soo baxday Xeer-ilaaliyaha guud ee Dawladda Itoobiya
27-kii bishii hore, kaasi oo ahaa in Tigreegu doonayaan inay noqdaan sida Somaliland oo kale, Itoobiyana
uga dhacdo sida Soomaaliya Dawlad la’aan sharci looga waayay..”ayuu yidhi.
Xildhibaan kale oo ka mid ah Guurtida oo isaguna doodda qayb ka ahaa ayaa soo jeediyey in laga
shaqaysiiyo Baasaaboorka Somaliland, si Muwaadiniintu ay ugu Xaji karaan "Waxaynu leenahay
Baasaaboor, laakiin Baasaaboorkeenaasi Xajka laguma tago, Waayo? Sucuudiga kama shaqeeyo,
Xukuumadda, Wasaaradda Arrimaha dibedda, Safiirka inoo fadhiya Sucuudiga, waxaan u soo jeedinayaa si
Shacabka Somaliland u gutaan Waajibaadkooda Diiniga ah haka shaqeeyaan sidii Baasaaboorka Somaliland
loogu Xaji lahaa..”ayuu yidhi.
Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland Iyo Faraqa U Dhexeeya Xidhiidhka Itoobiya Ee Xilligii Melez & Abiy Axmed.
Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland Iyo Faraqa U Dhexeeya Xidhiidhka Itoobiya Ee Xilligii Melez & Abiy Axmed.