Hordhac: Liverpool vs Chelsea: – Liverpool Oo Dooneysa Iney Taako u dhigto Blues

0
Saturday November 08, 2014 - 09:25:56 in by Burco Office
  • Visits: 1373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool vs Chelsea: – Liverpool Oo Dooneysa Iney Taako u dhigto Blues

    Maanta Liverpool ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Chelsea kulan indhaha lagu wada hayo madama kooxda Blues ay hogaamineyso horyaalka EPL-ka isla markaana wali aysan la kulmin guuldaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Liverpool ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Chelsea kulan indhaha lagu wada hayo madama kooxda Blues ay hogaamineyso horyaalka EPL-ka isla markaana wali aysan la kulmin guuldaro.



liverpool-chelsea-anfield-preview-premier-league-jose-mourinho-brendan-rodgers_3225716


Sidoo kale indhaha caalamka ayaa haya tababare Branden Rodgers kaas oo ciyaartoydiisa muhiimka ah nasiyay kulankii muhiimka ahaa ee Champions League-ga ay kaga horjeedeen Liverpool si uu meel isaga saaro kooxda Blues.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka:Liverpool vs Chelsea

Tartanka:FA Premier League

Garoonka:Anfield Road

Saacadda:3:45 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika).

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Kabtanka kooxda Steven Gerrard, Jordan Henerson iyo wiilka dheereeya ee Raheem Sterling ayaa rajeynaya in dib loogu yeero safka hore ee kooxda marka ay wajahayaan Chelsea galabta.

Sidoo kale Kolo Toure oo shaqo fiican qabtay kulankii Real Madrid ayaa rajeynaya inuu mar kale kusoo bilowdo iyadoo Borini uu isna jecel yahay inuu Balotelli ka soo hormaro.

Daniel Sturridge oo wali la dhibtoonaya dhaawacyo ka haleelay kubka ayeysan suuragal u aheyninuu wajaho kooxdiisii hore Blues. Halka Jose Enrique, Sakho, Falanagan iyo Suso ay wali dhaawacyo kala duwan ku maqan yahiin.

Dhanka kale tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa ciyaartoy dhowr ah keydsaday kulankii Champions League-ga ee Maribor.

Daafaca reer Spain Cesar Azpilicueta ayaa dib ugu soo laaban doona kooxdiisa kadib markii uu dhameystay ganaax sadex kulan ah oo garka loo galiyay markii uu casaan toos ah qaatay kulankii Crystal Palace ee October dhacay, waxaana la filayaa inuu booska bidixda ka badalo Felipe Luis.

MA OGTAHAY:

Liverpool kaliya waxey guul gaartay hal kulan, 6-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay labada kooxood is arkaan dhamaan tartamada oo dhan.

Chelsea waa kooxda aan ilaa haatan laga badin horyaalka, waxeyna dhalisay in la eg laba jeer goolasha ay dhalisay Liverpool xagaagan.

Tababare Branden Rodgers ayaan wali guul ka gaarin kooxdii uu xiligiisii hore kasoo shaqeeyay ee Chelsea isagoo ku sugan Liverpool.

Markii ugu dambeysay oo ay Anfield soo booqato Blues waxey ku badisay 2-0.

Kulankaan waa kii 78-aad ee ka dhaca Anfield, 49-kulan waxaa badisay Liverpool, halka Chelsea ay badisay 11-jeer.

Tan iyo 1992, markii magaca Premier League la bixiyay labada kooxood waxey kulmeen 44-kulan, 18-jeer waxaa badiyay Chelsea, halka Liverpool ay badisay 17-jeer, waxey galeen 9-barbaro.

LINE UPKA AMCQUULKA AH:

Liverpool:Mignolet; Johnson, Skrtel, Lovren, Moreno; Henderson, Gerrard, Allen, Coutinho; Sterling, Balotelli

Chelsea:Courtois; Ivanovic, Terry, Cahill, Azpilicueta; Matic, Fabregas, Ramires; Oscar, Hazard; Costa.


contact@afkashacabka.com