Wadooyinka muhiim ah Magaalada Muqdisho Oo Badiba Saaka Xidhan+Sababta.

0
Thursday December 17, 2020 - 10:00:37 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadooyinka muhiim ah Magaalada Muqdisho Oo Badiba Saaka Xidhan+Sababta.

    Wadooyinka muhiim ah Magaalada Muqdisho Oo Badiba Saaka Xidhan+Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadooyinka muhiim ah Magaalada Muqdisho Oo Badiba Saaka Xidhan+Sababta.

Ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya ayaa xiray jidadka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira cabsi laga qabo dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale ka dhaca magaalada.

Jidadka muhiimka sida Waddada Maka-Al-mukarama, Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba oo dhamaantood lagu arkayo ciidamo aad u heysan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa maanta in magaalada lagu qabto dibadbax taageero loogu muujinayo DFS, hasse ahaatee taa badalkeeda waxaa laga war helay qorshe kale oo ah in la qabanqaabinayo dibadbax looga soo horjeedo isla dowladda waana tan keentay in gabi ahaanba dibadbaxyadaasi la joojiyo.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhaceen dibadbaxyo rabashado watay iska horimaadyo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo taageersanaa dibadbaxayaasha waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.