Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub Oo Badankoodu Karantiil Galay Iyo Arrimaha Soo Kordhay
Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub Oo Badankoodu Karantiil Galay
Iyo Arrimaha Soo Kordhay Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa is karantiilaya kaddib markii Madaxweynaha
Faransiiska, Emmanuel Macron, laga helay Covid-19 Mr Macron, oo 42 sano jir ah, ayaa is karantiili doona
muddo toddoba maalmood ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Elysée Palace Madaxweynaha Faransiiska ayaa maalmihii la soo dhaafay ka qeyb galay dhowr kulamo oo heer sare ah, oo
uu ku jiro kulankii Midowga Yurub.
Kaddib markii laga helay, dhowr kale oo hoggaamiyeyaasha Yurub ah, oo uu ku jiro Ra`iisul Wasaaraha
Spain, ayaa sheegay inay is karantiili doonaan. "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta laga helay
Covid-19," Aqalka Elysée ayaa sidaas sheegay subaxnimadii shalay. Xaaska madaxweynaha Faransiiska
Brigitte Macron, oo 67 jir ah, ayaa is karantiileysa balse lagama helin wax calaamado ah.
Weli lama oga sida Mr Macron uu ugu dhacay fayraska balse isagoo xafiiskiisa ku sugan ayuu sheegay inuu
kala ogaanayo cidda uu si dhow ula kulmay. Talaadadii Madaxweyne Macron ayaa martigeliyay madaxda
guddiyada baarlamaanka Faransiiska, Isniintiina wuxuu martigeliyay xubno ka tirsan OECD Toddobaadkii
la soo dhaafay, isaga iyo inta badan hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, ayaa shir uga qeyb galay Brussels.
Yaa kale oo u baahan inuu is karantiilo?
Dadka kale ee is karantiilaya waxaa ka mid ah madaxa Golaha Yurub Charles Michel, Ra`iisul
Wasaaraha Spain Pedro Sánchez iyo Xoghayaha Guud ee OECD Angel Gurría, oo dhammaantood
toddobaadkan la kulmay Madaxweyne Macron.
Mr Sanchez ayaa laga waayay fayraska, balse sida Mr Macron, gurigiisa ayuu ka soo shaqeyn doonaa
isagoo karantiil ku jira.
Ra`iisul Wasaaraha dalka Burtuqaal António Costa, oo 59 jir ah, ayaa baajiyay dhammaan safarradii
rasmiga ahaa, isaga oo is karantiilaya isla markaana sugaya natiijada, kaddib markii uu Arbacadii Paris kula
qadeeyay Madaxweyne Macron.
Ra`iisul Wasaaraha Biljamka Alexander De Croo iyo Ra`iisul Wasaaraha Luxembourg Xavier Bettel
ayaa sidoo kale is karantiilaya kaddib markii ay la kulmeen madaxweynaha Faransiiska.
Warsaxaafadeed uu Mr Bettel soo saaray ayuu Mr Macron ugu rajeeyay "ka soo kabasho degdeg ah".
Ra`iisul Wasaaraha Ireland Micheál Martin ayaa laga waayay Covid-19 balse wuu yareyn doonaa
kulamada, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.
Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex, oo 55 jir ah, iyo afhayeen baarlamaani ah oo lagu magacaabo Richard Ferrand, oo 58 jir ah, ayaa sidoo kale is karantiilaya Mr Castex, oo aysan ka muuqan
wax calaamado ah isla markaana fayraska laga waayay, ayaa lagu waday inuu Khamiista aqalka Senate-ka
hor geeyo siyaasadda tallaalka Covid ee dowladda - haatan Wasiirka Caafimaadka Olivier Véran ayaa
sameynaya beddelkiisa.
Faransiiska ayaa toddobaadkan dhexdiisa soo afjaray xayiraad lix toddobaad socotay, waxaana lagu
beddelay bandow si wax looga qabto kiisaska fayraska ee kordhaya Mr Macron ayaa toddobaadkii la soo
dhaafay ka qeyb galay shir labo maalmood socday oo ay yeelanayeen madaxda Golaha Yurub, kaas oo
maanta soo gabagaboobayay.
Si kastaba, madaxweynaha Faransiiska waxaa loo arkaa inuu kulankii Isniintii ku faafin karay fayraska, sida
uu sarkaal sare oo Midowga Yurub ka tirsan u sheegay BBC-da Dhammaan tallaabooyinka faya-dhowrka
ayaa la ilaaliyay intii uu socday kulantii toddobaadkii hore golahana lama ogeysiin qof ka mid ah ka qeyb
galayaasha oo laga helay fayraska.
Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa Talaadadii xirneyd maaskarada wejiga iyadoo ku sugan shirka
lagamana helin fayraska, saraakiisha Jarmalka ayaa sidaas sheegay kaddib markii ay maqleen warka ku
saabsan Madaxweyne Macron Haweeney u hadashay madaxtooyada Faransiiska ayaa xaqiijisay in
dhammaan safarradii Mr Macron, oo uu ku jiro mid uu 22-ka bishan ku booqan lahaa Lubnaan, la baajiyay.
Falanqeynta weriyaha BBC ee Paris
Aqalka Elysée ayaa sameynaya wax walba oo shaqada looga dhigi karo mid caadi ah. Haatanba Madaxweyne Macron ayaa shaqada ku soo laabtay, waxaana sida la qorsheeyay u dhacay kulan uu la lahaa
wasiirradiisa dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda - inkastoo uu ka dhacay qol loo diyaariyay inuusan fayraska
ka gudbin.
Waxaa la xoojiyay aragtida ah in shaqooyinka dowladdu ay haatanba u dhacayaan si laga feejignaanayo
Covid - iyadoo lagu qabanayo shirar muuqaal ah, siadas darteed haddii aysan ka darin xaaladda
madaxweynaha cidna ma adreemi doonto Farriintu way caddahay: Emmanuel Macron wuu yahay
Madaxweynaha Faransiiska - balse marka laga hadlayo fayraska waa bani`aadam sida dadka kale. Sidaas
darteed wuxuu ku dhaqmi doonaa shuruucda.
Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub Oo Badankoodu Karantiil Galay Iyo Arrimaha Soo Kordhay
Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub Oo Badankoodu Karantiil Galay Iyo Arrimaha Soo Kordhay