Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Jabuuti

0
Wednesday December 23, 2020 - 11:32:28 in by salman abdi
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Jabuuti

    Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti. Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).