"Waxaan Doonaynaa In Midowga Afrika Aqoonsado Somaliland " Masuul Ka Tirsan Xisbiga Koonfur Afrika Hogaaminaya.

0
Saturday December 26, 2020 - 13:14:03 in by salman abdi
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Doonaynaa In Midowga Afrika Aqoonsado Somaliland " Masuul Ka Tirsan Xisbiga Koonfur Afrika Hogaaminaya.

    "Waxaan Doonaynaa In Midowga Afrika Aqoonsado Somaliland " Masuul Ka Tirsan Xisbiga Koonfur Afrika Hogaaminaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Doonaynaa In Midowga Afrika Aqoonsado Somaliland " Masuul Ka Tirsan Xisbiga Koonfur Afrika Hogaaminaya. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wada qorshe ay aqoonsiga Somaliland ugu gudbinayso Ururka ay Bahoobeen Waddamada Afrike ee "Midowga Afrika” Nxumalo oo waraysi siiyey Somaliland Chronicle ayaa sheegay in Somaliland ay kala shaqaynayaa arrimaha ganacsiga, isku socodka bulshada iyo arrimaha dublamaasiyadda. "Hadda waxa aan doonaynaa in Koonfur Afrika ay si rasmi ah go’aan uga gaadho in dal loo aqoonsado Somaliland, waxaanu doonaynaa in aan u tagno Midowga Afrika oo aan u sheegno in Koonfur Afrika ay rabto in la siiyo fursad ay ku aqoonsato Somaliland qaran ahaan.” Ayuu yidhi Todobaadkii hore ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.