Guddiga doorashooyinka'' Dowlad Gobolleedyada waa in ay bilaabaan diiwaangalinta musharixiinta Aqalka Sare

0
Sunday December 27, 2020 - 12:17:38 in by salman abdi
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga doorashooyinka'' Dowlad Gobolleedyada waa in ay bilaabaan diiwaangalinta musharixiinta Aqalka Sare

    Guddiga doorashooyinka'' Dowlad Gobolleedyada waa in ay bilaabaan diiwaangalinta musharixiinta Aqalka Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga doorashooyinka'' Dowlad Gobolleedyada waa in ay bilaabaan diiwaangalinta musharixiinta Aqalka Sare

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ugu baaqay madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka in ay bilaabaan diiwaangalinta musharixiinta ku tartameysa Golaha Aqalka sare.

Qooraal ka soo baxay guddiga ayaa looga codsaday Dowlad Gobolleedyada fududeynta howlaha doorashada si ay u dhacdo doorasho hufan oo waqtigeeda timaada.

Guddiga ayaa soo saaray foomka musharixiinta doonaya in ay ka qeybgalaan ama u tartamaa Golaha Aqalka ee Soomaaliya

Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada ayaa u dhignaa sidda

 

 

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu maanta oo ay tahay 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

 

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.