Qaramada Midoobay Oo Ergey Cusub U Magacaabay Somalia Dalkee Ayay U Dhalatay
Qaramada Midoobay Oo Ergey Cusub U Magacaabay Somalia Dalkee Ayay U Dhalatay Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres
ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah noqoto ku xigeenka cusub ee Wakiilka gaarka ah ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Gbeho ayaa badali doonta Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha
xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya. isaga
oo looga mahad celiyay sida hufnaanta leh ee uu uga qeyb qaatay howlaha Qaramada Midoobay ee
Soomaaliya. sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka ee madaxa UN-ka.
Gbeho ayaa leh in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ku saabsan qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku
dubaridka iyo maaraynta arimaha siyaasada, horumarka iyo arimaha bini'aadanimada ee xarunta Qaramada Midoobay.
Gbeho waxey shahaadada Bachelor-ka ka heysataa Cilmiga Bulshada iyo Daraasaadka Africa ee
Jaamacadda Gobolka ee New York iyo shahaadada Mastarka ee xiriirka caalamiga ee Jaamacadda Ghana.
Waxey ka soo shaqeysay dalal ay ka mid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Somalia,
waxey ku dhalatay gabadhan loo magacaabay ku-xigeenka wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya
magaalada Accra ee dalka Ghana, Ms. Gbeho waxay leedahay hal gabar.
Qaramada Midoobay Oo Ergey Cusub U Magacaabay Somalia Dalkee Ayay U Dhalatay
Qaramada Midoobay Oo Ergey Cusub U Magacaabay Somalia Dalkee Ayay U Dhalatay