Xisbiga WADDANI Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inuu Xilalkii Qaranka Ugu Sareeyay Reerkiisa Ku Taxay.

0
Thursday December 31, 2020 - 16:55:28 in by salman abdi
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inuu Xilalkii Qaranka Ugu Sareeyay Reerkiisa Ku Taxay.

    Xisbiga WADDANI Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inuu Xilalkii Qaranka Ugu Sareeyay Reerkiisa Ku Taxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inuu Xilalkii Qaranka Ugu Sareeyay Reerkiisa Ku Taxay. "Khudbadaha Madaxwaynaha ee aan la faaf reebini ee kolba gebi dhacleynaya, waxaa ay wax badan innaga barayaan sida siyaasadiisu qabiilka uga biyo cabto uguna dhisan tahay, indhihiisu waxa ay arkayaan reero tartamaaya uma se muuqdaan Qaran iyo Xisbiyo dimuqraadi ah, laakiin su'aasha is weydiinta lihi waxa weeye madaxwaynuhu markii sidaa uu sheegay reerkii uu odayga u ahaa ee guulaystay sidee ayuu ka yeelay wixii dadka ka dhaxeeyay ee la wada lahaa? Runtu waxa ay tahay inuu intii uu odagya u ahaa u sad-buriyay, haddii aad hore ula yaabanayd sababta Madaxwaynuhu xilalkii Qaranka ugu cuslaa ee aanu Madaxwayne isaga ka horeeyey cid gaara isugu darin waligeed uu isugu daray, shalay waxa aad baratay in Madaxwaynuhu oday cid gaara ah u yahay oo ciddaa uu yahay ah, sidaas darteedna xilalka Qaranka ee ugu culus uu iyaga u dhiibay. Laakiin waxa aanan wali fahmin gacanta uu Madaxwaynuhu u fidiyay kuwa uu sheegay in laga badiyey? Ma xilalka kooban ee ay hayaan ayuu u arkaa in aanay xaq u lahayn kol haddii ay guul darraysteen? Mise waaba dhayal iyo ku jeesjees sida u taalla? Waxa aan se ku faraxsanahay in aan la shaqeeyo Guddoomiye/ Musharrax Madaxweyne oo isu arka inuu dhammaan reer Somaliland oday u yahay taasina ay kaw ka tahay sababha aan ula shaqeeyo." Waxa qoraalka baahiyay xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.