Faransiiska oo qorshaynaya inuu 100,000 oo boolis ah waddooyinka soo dhigo si uu u joojiyo isu soo baxyada sanadka cusub

0
Friday January 01, 2021 - 11:17:56 in by salman abdi
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska oo qorshaynaya inuu 100,000 oo boolis ah waddooyinka soo dhigo si uu u joojiyo isu soo baxyada sanadka cusub

    Faransiiska oo qorshaynaya inuu 100,000 oo boolis ah waddooyinka soo dhigo si uu u joojiyo isu soo baxyada sanadka cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faransiiska oo qorshaynaya inuu 100,000 oo boolis ah waddooyinka soo dhigo si uu u joojiyo isu soo baxyada sanadka cusub

Faransiiska ayaa waxa uu isku dubaridayaa 100,000 oo boolis ah si ay u kala kaxeeyaan dadka isugu soo baxaya xafladaha lagu soo dhaweynayo sanadka cusub ayna u dhaqangaliyaan bandowga dalkaas lagu soo rogay si loo xakameeyo fayraska korona.

Ciidammada dheeraadka ah ayaa sidoo kale looga gol-leeyahay in lagu hor istaago in gawaari dab la qabadsiiyo arrintaas oo badanaa la sameeyo habeenka ugu dambeeya ee sanadka.

Faransiiska ayaa waxa uu xaqiijiyay in 2.6 milyan oo xaaladood oo fayraska korona ah, tiradaas oo ah tan shanaad ee ugu badan caalamka, halka dhimashaduna ay ka badan tahay 64,000 oo qof.

Sida dalalka kale ee Yurub, Faransiiska ayaanan looga dabaaldegin dhalashada sanadka cusub xilli uu jiro cudurka safmarka ah.

Khudbadda sanadka cusub ay jeedisay ayey hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, waxa ay si qiiro leh uga hadashay cudurka safmarka ah kaas oo "wax ku soo rogay qof walba, dadka qaarna kaba saa'id caleeyay" sanadkii 2020.

Waxa ay u tacsiyaysay dadka Covid-19 uu ka dilay kuwii ay jeclaayeen, waxayse weerrartay sheekooyinka fayraska korona laga sameeyay, "kuwaas oo aanan been iyo halis kaliya ahaynee bay tiri balse wax xanuun badan oo dhib badan ku ah dadka".

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin ayaa waxa uu amray in bartamaha magaalooyinka la geeyo ciidamo muuqan kara laga bilaabo 20:00 fiidnimo markaas oo ah waqtiga uu bandowga bilaabanayo.

Magaalada Paris kala bar khadadka tareennada ayaa waxaa la xiri doonaa fiidkii, halka Mr Darmanin uu sidoo kale waydiistay in guud ahaan dalka oo dhan laga hakiyo gaadiidka dadweynaha.

Walow ay xaaladaha fayraska korona ay soo kordhayaan, walaacna laga qabo nooca cusub ee cudurkaasi, ayaa afhayeen u hadlay dowladda waxa uu sheegay in haatan aanan loo baahnayn in xayiraado la soo rogo. Faransiiska waxaa haatan saaran laba xayiraad oo qaran, halka makhaayadaha, baararka iyo goobaha loo dalxiis tago ay xirnaan doonaan.

Muxuu yahay qorshaha sanadka cusub?

Mr Darmanin ayaa waxa uu Khamiistii u qoray hogaamiyayaasha gobollada isagoo ku wargelinaya "tallaabooyinka" la isugu keenayo 100,000 ee booliska ah.

Booliska ayaa waxaa lagu amray inay kala kaxeeyaan xafladaha ay dadka isugu yimaadaan markii ay xogta helaanba, ay ganaaxaan dadka xafladahaas ka qeybgalaya ayna calaamadeeyaan dadka xafladahaas soo qabanqaabiyay.

Paris metro

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,

Waxaa la xiray kala bar khadadka tareennada ee Paris

Mr Darmanin ayaa sidoo kale ugu baaqay dukaammada inay xaddidaan amaba joojiyaan inay gadaan khamriga ku jira qasacadaha la qaadan karo iyo kuwa guryaha lala aadaba.

Sidoo kale waxa uu mas'uuliyiinta maxalliga ah ugu baaqay in aanay shaacin dhacdooyinka dabka lagu qabadsiiyo gawaarida si "loogaga taxadaro in tartan ay arrintaas horseeddo" kaas oo ka dhaca deegaanno kala duwan.

Gawaarida la gubo ayaa waxa ay si joogta ah u noqdeen dhacdo sanadle ah oo lagu arko Faransiiska tan iyo qalalaasihii 2005-tii ka dhacay magaalada Paris iyo deegaanno kalaba.

Sanadkii la soo dhaafay waxaa dhalashada sanadka cusub Faransiiska oo dhan dab lagu qabadsiiyay 1,457 gaari, tiradaas oo aheyd middii ugu badneyd, sida ay warbaahinta ku warramayso. Sanadkii kaas ka sii horreeyay tiradu waxa ay aheyd 1,290.