Dibed-bax Lagu Dalbanayo Lacagta Somaliland Oo Ka Dhacay Laascaanood, Markii Ganacsatadu Diideen Shilinka Soomaaliya

0
Friday January 01, 2021 - 11:20:43 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibed-bax Lagu Dalbanayo Lacagta Somaliland Oo Ka Dhacay Laascaanood, Markii Ganacsatadu Diideen Shilinka Soomaaliya

    Dibed-bax Lagu Dalbanayo Lacagta Somaliland Oo Ka Dhacay Laascaanood, Markii Ganacsatadu Diideen Shilinka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibed-bax Lagu Dalbanayo Lacagta Somaliland Oo Ka Dhacay Laascaanood, Markii Ganacsatadu Diideen Shilinka Soomaaliya Bannaan-bax lagaga soo horjeedo sicir bararka, ayaa Shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee Somaliland. Banaan-baxa oo kulmiyey Dadweyne tiro badan, ayaa waxay kaga cabanayeen Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo Ganacsatadu diideen inay qaataan, taasi oo sababtay Sicir-barar dhinaca Maceeshadda ah, sidasi darteed ayaa Dadweynuhu u sameeyeen isku soo baxan, si wax looga qabto, waxayna farriin u direen Xukuumadda Somaliland. Qaar ka mid ah Haweenka Mudaharaadka ka qayb-qaatay oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay "Dadka Magaalada keenaya lacagta aanaan lahayn ee ka imanaysa Mudug iyo Koonfurta Soomaaliya waa inay joojiyaan” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in loo baahan yahay in Xal deg-deg ah la keeno "Waa in Xal deg-deg ah la keeno, Waayo? Dadka waxa jira qaar aan Zaad lahayn..”ayay tidhi Haweenayda ka qaybqaadatay Dibed-baxaasi. Haweenay kale ayaa iyaduna tidhi "Sarrifleyaasha, Ganacsatada iyo Bakhaarleydu waa inay Dadka hoos u eegaan. Waxa kale oo aanu doonaynaa in la naga joojiyo Lacagta shilin Soomaaliga ah ee Boosaaso iyo Garoowe laga soo rarayo..” Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Dibedbaxa Laascaanood ka dhacay uu yahay kii ugu wanaagsanaa, maaddaama oo Shacabku diiddan yihiin Lacagta Shilin Soomaaliga oo sabab looga dhigayo Sicir-barar ka jira Laascaanood. "Mudaharaadka Dadku waxay ku diidanaayeen Lacagta shilin Soomaaliga. Dadka reer Laascaanood waxaanu u ballan-qaadaynaa inaanu lacagta Somaliland keeni doono oo lagu isticmaali doono, Lacagta Somaliland baa lagu beddeli doonaa lacagta Shilin Soomaaliga..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Lacagta Boosaaso iyo Soomaaliya taalla la inoo soo rari maayo ee waxa Somaliland dhexdeeda yaalla ayaa la idiin beddelayaa, markaa Nina yaanu isku dayin inuu soo rarto wax meel kale yaalla.” Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo dhawaan Maamul-gobolleedka Puntland diiday in lagu qaado Cashuurta Alaabooyinka lagala soo dego Dekedda Boosaaso isla-markaana hore u diideen inay qaataan Ganacsatada Puntland ayaa Mudaharaaddo ka Laascaanood la mid ah ka kiciyey Puntland, ka dib markii nolosha Shacabku cidhiidhi gashay, arrintaasi oo sida muuqata saamaysay Gobolka Sool ee Somaliland.