Maleeshiyaad Puntland Abaabushay Oo Dhaq-dhaqaaq Dagaal Ka Sameeyay Gobolka Buhoodle.

0
Saturday January 02, 2021 - 14:12:04 in by salman abdi
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Puntland Abaabushay Oo Dhaq-dhaqaaq Dagaal Ka Sameeyay Gobolka Buhoodle.

    Maleeshiyaad Puntland Abaabushay Oo Dhaq-dhaqaaq Dagaal Ka Sameeyay Gobolka Buhoodle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad Puntland Abaabushay Oo Dhaq-dhaqaaq Dagaal Ka Sameeyay Gobolka Buhoodle. Koox ka tirsan Ciidanka Puntland oo ku dhuumaalaysanaya Deeggaano buhoodle ka mid ah, ayaa maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaq ciidan ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Buhoodle, si ay horistaag ugu sameeyaan diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha doorashooyinka Somaliland. Maleeshiyaad Puntland ka abaabushay deegaanadaas, ayaa hawlgallo kala duwan ku tegay degaanno ay kamid yihiin Xadhadhanka, Hagoogane, Maygaagle, Kalshaale, Gocondhaale iyo Ceegaag oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Cayn. Taliyihii ciidamadaasi watay oo lagu magacaabo Col. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed Nuur (Af-weyne), oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland , ayaa sheegay in ay dhammaan degaannadaas ka horistaageen Somaliland. Col. Afweyn wuxu tilmaamay in ay Bulshada ka wacyi-geliyeen Barnaamijka diiwan-gelinta doorashooyinka Somaliland, islamarkaana Bulshadu ay la qaateen in la diido Barnaamijkaas. Taliyuhu wuxu sidoo kale xusay in aanu jirin wax iska hor-imaad ciidan ah oo ka dhacay degaannadaas, balse wacyi-gelin u sameeyeen Bulshada taasina ay ku guulaysteen. Muxu yahay dhaqdhaqaaqa Ciidan ee maalmihii u dambeeyay ka socday Kalshaale? - SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD | SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD