81 Dacwadood Oo Maxkamadda Sare Ee Somaliland Ka Garnaqday Muddo 15 Maalmood Ah Gudaha.
81 Dacwadood Oo Maxkamadda Sare Ee Somaliland Ka Garnaqday Muddo 15 Maalmood Ah Gudaha. Wafti uu hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele oo ka koobnaa 9 garsoore iyo 6 kaaliye oo uu wehelinayo halxeer-iaaliye guud, oo ka socday xafiiska xeer-ilaalinta guud ee qaranka, ayaa safar shaqo oo qaatay 15 cisho
ku tagay gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.
Ujeedada u weyn ee safarka ayaa ahayd sidii maxkamadda sare ee dalku ugu fudaydin lahayd,
muwaadiniinta ay ka fogtahay deegaannadooda xarunta maxkamadda sare, isla markaana adeeg garsoor oo
hufan ay ugu heli lahaayeen deegaannada ay ku noolyihiin, si ay uga baaqsadaan safar dheer oo ay u soo
galaan magaalada Hargaysa, oo ay tahay xarunta maxkamadda sare. Waftiga garsoorayaasha ayaa 15-kii
bishii 12-aad ee 2020-ka, ka bilaabay safarkooda magaalada Berbera iyo deegaannada kale ee gobolka
Saaxil, waxaanay uga sii gudbeen gobolka Togdheer halka ay socdaalkooda shaqo ku soo af-meereen
gobolka sanaag 30-kii bisha. Mudadii waftiga ka socda maxkamadda sare ay safarka shaqo ku gudo jireen
waxay ka soo garnaqeen 81 dacwadood oo iskugu jiray 59 dacwadood oo madani ah iyo 22 dacwadood oo
ciqaab ah.
Bil walba qayb ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare ayaa u baxa gobolada kala duwan ee dalka,
waxaanay qayb ka tahay dedaalada ay maxkamadda sare ugu jirto fidinta adeega garsoorka, hase ahaatee
safarkan u danbeeyay ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee sannadka 2020-ka ay tiro intaa le’egi hal mar xarunta
maxkamadda sare ka guurto.
81 Dacwadood Oo Maxkamadda Sare Ee Somaliland Ka Garnaqday Muddo 15 Maalmood Ah Gudaha.
81 Dacwadood Oo Maxkamadda Sare Ee Somaliland Ka Garnaqday Muddo 15 Maalmood Ah Gudaha.