Axmed Madoobe intuu noo yeeray ayuu si cad noogu sheegay inuu doonayo in Jubbaland ku biirto Kenya

0
Sunday January 03, 2021 - 13:03:04 in by salman abdi
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe intuu noo yeeray ayuu si cad noogu sheegay inuu doonayo in Jubbaland ku biirto Kenya

    Axmed Madoobe intuu noo yeeray ayuu si cad noogu sheegay inuu doonayo in Jubbaland ku biirto Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Madoobe intuu noo yeeray ayuu si cad noogu sheegay inuu doonayo in Jubbaland ku biirto Kenya Wasiirkii hore xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Jubbaland ahaana Xildhibaan katirsan Jubaland, Maxamed Nuur Buule, ayaa sheegay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe inuu Kenya la galay heshiis qabyo ah oo ku saabsan in Jubbaland ay tahay gobol kamid ah Kenya.

 

Maxamed Nuur Buule wuxuu sheegay xilligii uu katirsanaa Jubbaland in madaxweyne Axmed Madoobe uu iskugu yeeray xubno uu isagu kamid ahaa, isagoo u gudbiyay qorshe ah in Jubbaland ku biirayso Kenya

"Aniga, labada madaxweyne ku xigeen iyo labo wasiir ah ayuu Axmed Madoobe inoo yeeray xilli subax ah, wuxuu nagu yiri, niman yahow aan kasii jeesano Soomaaliya oo aan usii jeesano Kenya oo ku darsano. Inta uusan hadalka dhamayn ayaan kacay, waxaana ku iri, Axmedow, anaguna waxaan raadinayay siidi loosoo celin lahaa kililka north east, adigana waxaad na leedahay aan Kenya raacno, wuxuu igu yiri, adigoo nool inay janno nolasha kuugu timaadaan rabaye ee macsalaama waxba laguma fahansiin karee, fadhigiiga waa nooga ka kacayā€¯ ayuu yiri xildhibaanka.

Maxamed Nuur Buule, wuxuu ku eedeeyay Axmed Madoobe in aan waxba laga weydiin karin maamulkiisa islamarkaana sababta uu dowladda federalka u khilaafsan yahay in ay tahay danaha kala dhexeeya Kenya.