Ciidanka ayuu ka tirsanaa Ninkii Bastoolada ku ridayay shacabkii dibadbaxa dhigayay toddobaad hore

0
Monday January 04, 2021 - 13:29:59 in by salman abdi
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka ayuu ka tirsanaa Ninkii Bastoolada ku ridayay shacabkii dibadbaxa dhigayay toddobaad hore

    Ciidanka ayuu ka tirsanaa Ninkii Bastoolada ku ridayay shacabkii dibadbaxa dhigayay toddobaad hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka ayuu ka tirsanaa Ninkii Bastoolada ku ridayay shacabkii dibadbaxa dhigayay toddobaad hore

Ninkan oo maalmhii aynu soo dhaafnay siweyn uga soo muuqday baraha bulshada isaga oo rasaas ku ridaya gabdho Soomaaliyeed oo ku dibadbaxayay magaalada Muqdisho ayeey dowladdau xaqiijisay in uu ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xassan Xundubey Jimcaale la hadlay VOA ayaa sheegay in Ninkaa la soo qabtay islamarkaana uu ku jiro gacanta hay'addaha Amniga, waxaana uu intaa ku darray in uu ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ninkan oo xiliga uu rasaasta ku ridayay shacabka dibadbaxa dhigayay aan sidan dareyska ciidamada ayaa la arkayay isaga oo si toos ah rasaas ugu ridayay gabdho ka mid ahaa dadka dibadaxa dhigayay oo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay u mareyso doorashada.

Midowga musharixiinta dalka oo waqtigaa ka hadlay dhacdadan ayaa ku eedeeyay dowladda in ay hub u qeybisay dad aan laheyn astaan ciidan oo lagu garto si ay u caburiyaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee aragti ahaan ka soo horjeeda dowladda.

''Ninkan waa la soo qabtay booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.

Wuxuu sheegay in sababta mar marka qaar dowladdu u ogoleyn dibadbaxyadu tahay oo kaliya sababo dhinaca Amniga ah madaama ayuu yiri dadka shacabka lagu soo dhax-dhuiman karo.