Puntland Oo Doonaysa Inay Carqaladayso Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Oo La Doonayo In Laga Sameeyo Bariga Gobolka Sanaag
Puntland Oo Doonaysa Inay Carqaladayso Diwaangelinta
Cod-bixiyeyaasha Oo La Doonayo In Laga Sameeyo Bariga Gobolka
Sanaag Akhri Magacyada Degmooyin Puntland sheegtay in aanay ogolaan doonin in diwaangelinta laga
sameeyo
Sanaag
Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed Puntland, ayaa la sheegay inuu doonayo inuu
carqaladeeyo Diwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo laga samaynayo deegaannada
bariga Gobolka Sanaag.
Xubno Puntland ugu Magacaaban Maamulka bariga Sanaag oo Shalay Warbaahinta kula hadlay degmada
Dhahar, ayaa sheegay in aanay ogolayn in Somaliland diwaangelin ka samayso Dhahar, Xingalool, Buraan
iyo Ceelaayo isla-markaana ay ciddii isku dayda inay diwaangelin ka sameeyaan deegaannadaasi ay dagaal
kala hor-tagi doonaan.
Hadalka Xubnaha halkaa u jooga Puntland, ayaa ku soo beegmay xilli Masuuliyiin ka tirsan Dawladda
Somaliland oo kasoo jeeda gobolkaasi ay gaadheen halkaasi, si ay Dadweynaha ugu wacyi-geliyaan
qaadashada kaadhadhka cod-bixinta dorashada.
Sanaag-bari oo ka mid ah Gobollada bariga ee Somaliland, ayaa Maamul-gobolleedka Puntland sheegataa Mulkiyaddiisa, iyadoo ula baxday Gobolka Haylaan.
Somaliland iyo Puntland ayaa halkaa ku dagaalama mar kasta oo la geeyo sanaaduuqda Cod-bixinta
doorashada ama la doonayo in laga sameeyo diwaangelinta, laakiin sannadkan waxa cusub in Maamulka
Puntland sheegay inuu dagaal ka xigo deegaanno hore looga qaban jiray, sida Xiin-galool.
Ciidammada kala duwan ee Somaliland ka jooga halkaasi, ayaa hore heegan buuxa loo geliyey, maaddaama
oo in muddo ah ay socotay diyaar-garowga diwaangelinta cod-bixiyeyaasha
Puntland Oo Doonaysa Inay Carqaladayso Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Oo La Doonayo In Laga Sameeyo Bariga Gobolka Sanaag
Puntland Oo Doonaysa Inay Carqaladayso Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Oo La Doonayo In Laga Sameeyo Bariga Gobolka Sanaag