Doorashada Uganda 2021: Guddiga doorashada oo la filayo in uu shaaciyo natiijada doorashada

0
Saturday January 16, 2021 - 12:21:51 in by salman abdi
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Uganda 2021: Guddiga doorashada oo la filayo in uu shaaciyo natiijada doorashada

    Doorashada Uganda 2021: Guddiga doorashada oo la filayo in uu shaaciyo natiijada doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Uganda 2021: Guddiga doorashada oo la filayo in uu shaaciyo natiijada doorashada

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in guddiga doorashooyinka Uganda ay shaaciyaan cidda ku guuleysta doorashada khamiistii ka dhacday dalkaas.

Ku dhawaad saddex meelood labo codadkii la dhiibtay ayaa la tiriyay, madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay oo wuxuu helay boqolkiiba 62 halka Bobi Wine uu heysto boqolkiiba 30, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Halka ninka ay is hayaan Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine uu sheegay in doorashada lagu shubtay, eedeymahaas oo ay iska fogeeyeen guddiga doorashooyinka.

Afahayeen u hadlay guddiga doorashada oo lagu magacaabo Don Wanyama wuxuu sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayaan in wax isdabamarin ay dhaceen.