Siyaasadda Arrimaha Dibedda Ee Somaliland iyo Sannadkii Tagay
Siyaasadda Arrimaha Dibedda Ee Somaliland iyo
Sannadkii Tagay Marka la eego xaaladaha ka aloosan Gobolka geeska Afrika ee isugu jira kuwa
colaadeed iyo siyaasadeed, ayaa waxa ay bulshada Caalamka iyo Qaramada Midoobay walaac xooggan ka
muujin xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan dalal ka mid Gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhex qarxay
dalalka Sudaan iyo Itoobiya iyo ka gudaha Itoobiya ee u dhaxeeya ismaamulka Gobolka Tigray iyo
Dawaladda Federaalka ee Itoobiya, ayaa u muuqda dagaallo ay dabada ka kala riixayaan dalalka Masar iyo
Ereteeriya.
Dhawrkii sanno ee u dembeeyey waxa ka socday Gobolka isbahaysiyo siyaasadeed oo ku cusubaa Geeska
Afrika oo ay yeesheen sannadkii aan kasoo gudubnay dalalka Ereteeriya, Somaaliya iyo Itoobiya, kuwaas
oo dhawr jeer oo kala duwan kulano ku yeesheen hoggaamiyayaasha dalalkaasi Caasimadaha saddexdaa
dal, inkasta oo aan xog buuxda oo dhammeystirran laga hayn waxyaabihii ay ku heshiiyeen.
Waxa isbahaysigaasi uu shaki geliyey dalalka kale ee Geeska qaarkood sida, Jamhuuriyadda Jibuuti oo
khilaaf dhuleed k dhaxeeyo dalka Ereteeriya, geesta kalana waxa marba marka ka sii dembeysa sii
xumaanayey cilaaqaadkii ganacsi iyo diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey Kiiniya iyo Somaaliya oo gaadhay
heer ay labada geesood isku jaraan gebi ahaanba xidhiidhkii dhinaca diblomaasiyadda ee u dhaxeeyey
labada dal
Xiisadaha kale ee ka jira geeska Afrika ee dabka ku sii shiday colaadahaha iyo siyaasadha ismari-waaga ee
ka jira Gobolka, waxa ka mida arrinta biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ka dhisatay dhinaca Waqooyiga
Itoobiya ee ay ka soo rogmadaan biyaha webiga loo yaqaan (Blue Nile), kaas oo ay isku khilaafsan yihiin
dhismihiisa iyo qaabka biyo qeybsiga, dalalka Itoobiya oo hal dhinac ah iyo Masar iyo Sudaan oo isku
dhinaca, waxayna xaaladdu haatan maraysaa meel halis ku ah guud ahaan ammaanka mandaqadda, kadib
markay guuldarreysteen kulano badan oo layskugu keenay sadddexdaa dal oo ay dhexdhexaadinayeen
Ururka Midowga Afrika kulannnada intoodii badneyd.
Si kastaba ha ahaatee Jamhuuriyadda Somaliland waxay kaga dabaalatay qalalaasaha siyaasadeed iyo
colaadeed ee sannadkii tagay ka bilaabmay Gobolka Geeska Afrika, siyaasad ku dhisan degganaansho iyo
wax wada qabsi, iyadoo isla markaana ay Xukuumadda talada dalka hoggaamisaa iska fogaysay inay wax
faragelin ah ku yeelato khilaafyada siyaasadeed iyo dagaallada ka socda dalal ka mid ah kuwa Gobolka.
Siyaasaddaa cusub ee ay Somaliland dhidibada u aastay, waxay usoo jiiday guulo diblomaasiyadeed oo u
quus gooyey dhammaan cadowga Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay ka garaabaan dalal ka mid ah kuwa
Geeska Afrika jiritaanka Qadiyadda Somaliland, sida siyaasiga weyn ee reer Kiiniya ee la yidhaa Raila
Odinga oo si cad ugaga dhawaaqay fagaare, in Somaliland aanay waxba kaga duwanayn dalalka kale ee
Caalamka ee dal kale ay ka go’een ee la ictiraafay sida, Serbia, Croatia, South Sudaan iyo kuwa kale oo
badan.
Guulaha kale ee sannadkii tagay laga soo hooyey Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee JSL, waxa ka mid ahaa
booqashadii dalka Kiiniya ee sida rasmiga uu Madaxweyne Uhuru Kiinyaati ugu fidiyey sannadkii tagay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana ka dhashay kulankii
labada Madaxweyne heshiisyo ay ka mid yihiin wax wada qabsiga dhinacyada Ganacsiga, Waxbarashada
Xidhiidhada kale ee sannadkii tagay ay ku guulaysatay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ugu
sannadkii la soo dhaafay, waxa ugu miisaan cuslaa kii dhexmaray dalalka Taiwan iyo Somaliland oo midba
ka kale ictiraafay, isla markaana isku dhaafsadeen Safiirradii u kala fadiya labada dal, kuwaas oo ay
munaasabadihii xafladaha furitaanka ee labada Safaaradood, ay rasmiya ahaan labada Madaxweyne ee
labada dal kaga soo qeyb galeen khadadka Isgaadhsiinta.
Waxa kale oo dalka booqasho ku yimid Wasiirka Arrimahab Dibedda ee dalka Malawi iyo wufuud kale oo
badan oo aanay suurtagal ahayn inaan faalladan kuwada faahfaahino sida Itoobiya, Masar, Shiinaha iyo
kuwa kaloo badan, waxase xusid mudan oo ka mid ah guulaha laga gaadhay xagga diblomaasiyadda
2020kii, dalka Itoobiya oo Wakiilkoodii dib ugu soo magacaabay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib
markuu muddo ka maqnaa Safaaradda ay ku leeyihiin Caasimadda Hargeysa.
Tallaabooyinkaa diblomaasiyadeed ee xidhiidhka ahaa ee xagga diblomaasiyadda ee ay horumarka ka
sameeyeen Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu, waxa uu si aan la qiyaasi Karin ugu beeray
Madaxweyne Farmaaj-aha Muqdishio xin, xasad iyo khalkhal siyaasadeed, kadib markuu cilaaqaadkii
diblomaasiyadeed u jaray dalka Kiiniya, sidoo kalana uu dacwad ka dhan ah dalka Kiiniya oo ku lug lahayd
heshiisyada iyo xidhiidhada dhinaca diblomaasiyadda ee ay wada gaadheen Kiiniya iyo Somaliland u
gudbiyey Urur Goboleedka IGAD. Haseyeeshee uu ku guuldarreystay kulankii Jibuuti ee IGAD isku soo
horfadhiisisay Farmaajo iyo Uhur, iyadoo go’aankii kasoo baxay uu noqday in Madaxweyne Farmaajo
gudihiisa hagaajiyo, doorashadana ku qabto waqtigii loo qorsheeyey.
Waa dalkii labaad ee uu xidhiidhka diblomaasiyadeed ugu jaro sababo la xidhiidha cilaaqaad ama heshiisyo
dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dal kale, balse waxan leenahay oo aan ku soo xidhaynaa
faalladan ( HAGOOG XUME YEELKEEDII ) Somaliland-na xilii kasta ha ku gaadhee waa tii heshay
Ictiraaf siday u heleen dalalka kale ee muddada dheer usoo halgamayey xuquuqdooda
Siyaasadda Arrimaha Dibedda Ee Somaliland iyo Sannadkii Tagay
Siyaasadda Arrimaha Dibedda Ee Somaliland iyo Sannadkii Tagay