Madaxweynaha Puntland Oo Weeraray Dadka Facebook Ku Dhaliila
Madaxweynaha Puntland Oo Weeraray Dadka Facebook Ku Dhaliila Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa digniin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay
kicinayaan shacabka iyagoo fulinaya dano siyaasiyiin meelo kale jooga inay kiciyaan bulshada iyagoo
barasha bulshada u adeegsanaya si khaldan, isagoona dalbaday in laga shaqeeyo horumarka deegaamada
Puntland.
” Dadka waayadan danbe caadeystay iyagoo dano Siyaasiyiin meelo kale jooga ka fulinaya, inay dadka
kiciyaan, Booliiskaan booliiskii hore waa ka duwanyahay waxaa dacwad lagugu soo oogaya meelkasta oo
aad joogto oo danbi ku gashid, Facebook xitaa hadda danbi ku gashid danbibaarayaashu waa kusoo
qabanayaan,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegya inay soo badanayaan fal dambiyeedyo aan gacanta laga qaban haseyeeshee
shacabka lagu kicinayo wuxuuna yiri,” danbigu maaha kan banaanada lagu qabto keliya, haddaa Facebook
ga kacdoon, kicin, dil iyo belaayo ka shaqeysid ogow cadaaladda Puntland waa ku arkeysaa, ama Magac
gabdheed Facebook-ga saarso ama mid odeyeed saarso adey kuu taalla waa lagu soo qabanaayaa”.
Madaxweynaha Puntland Oo Weeraray Dadka Facebook Ku Dhaliila
Madaxweynaha Puntland Oo Weeraray Dadka Facebook Ku Dhaliila