Itoobiya oo sheegtay in ay xirtay koox dooneysay in ay weerarto Safaaradda UAE ee Addis Ababa

0
Thursday February 04, 2021 - 09:06:40 in by salman abdi
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo sheegtay in ay xirtay koox dooneysay in ay weerarto Safaaradda UAE ee Addis Ababa

    Itoobiya oo sheegtay in ay xirtay koox dooneysay in ay weerarto Safaaradda UAE ee Addis Ababa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya oo sheegtay in ay xirtay koox dooneysay in ay weerarto Safaaradda UAE ee Addis Ababa

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay 15 qof oo lala xiriirinayo qorshe lagu weerarri lahaa safaaradda Isutagga Imaaraatka Carabta ee caasimadda, Addis Ababa.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee loo soo gaabiyo (EPA) ayaa Arbacadii soo xigatay bayaan ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qarranada Itoobiya NISS oo sheegtay in dadka la qabtay ay ku shaqeynayaa awaamiir shisheeye.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Hub fara badan, waxyaabaha qarxa iyo dukumiintyo ay isticmaalayeen kooxdan la qabtay sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee FANA.

"Kooxdan oo awaamiirta ka qaadanayay koox ajnabi ah oo argagixiso ah ayaa isku diyaarinayay inay waxyeello weyn u geystaan ​​hantida iyo nolosha dadka," ayeey tiri EPA.

Laakiin lama sheegin cid gaar ah oo ay gacan saar la leeyihiin dadka la sheegay in la qabtay ee doonayay in ay weerarraan safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa..