Golaha amniga Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

0
Tuesday February 09, 2021 - 12:05:30 in by salman abdi
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha amniga Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

    Golaha amniga Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha amniga Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeelanaya xaalada Soomaaliya Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo talaado ah kulmi doona si ay uga wada hadlaan qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ilo diblomaasiyadeed ayaa warkan kasoo xiganay.

 

Kulankan ayaa la sheegay in ay codsatay dowladda Britain oo kamid ah dalalka ku lugta leh arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa isniintii ugu ekayd muddo xilleedkiisii afarta sano iyadoo ay mugdi ku jirto waddadii loo mari lahaa doorashooyinka.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa shir jaraaid ku sheegay wali in ay jirto meel ay kuwada kulmi karaan hogaamiyaasha Soomaalida, si ay u helaan xal siyaasadeed oo dhowraya wadajirkooda.

Dhinaca kale, kalfadhiga Golaha Amniga Dadweynaha oo dhacaya 22 February ayaa looga hadlidoonaa arrimaha Soomaaliya, ka hor inta aan la cusbooneysiin howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, oo dhacaya 28-ka Febraayo