Xubnaha Shaqaalaha Dawladda ka Tirsan ee Sharaxan oo loogu baaqay Soo Gudbinta Waraaqaha Iscasilaada
Xubnaha Shaqaalaha Dawladda ka Tirsan ee Sharaxan oo loogu baaqay Soo Gudbinta Waraaqaha Iscasilaada Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Md
Farxaan Aadan Haybe ayaa ku wargeliyey dhammaan shaqaalaha dawladda Somaliland
ee doonaaya in ay u tartamaan doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda
Somaliland in ay warqadda is casilaadda usoo gudbiyaan Hay’adda Shaqaalaha dawladda
Somaliland.
Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe waxa uu sheegay in Hay’adda Shaqaalaha dawladda
Somaliland ay ku wargelinayso dhammaan Shaqaalaha wasaaraddaha iyo Hay’addaha
dawladda ee goboladda kala duwan ee dalka, Tuulooyinka iyo degmooyinkaba in aanay
xubno firfircoon ka noqon xisbiyadda Siyaasadda Somaliland , sida uu dhigaayo xeerka
shaqaalaha dawladda ee Somaliland.
Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe ku wargeliyey cid kasta oo ka
tirsan shaqaalaha dawladda Somaliland oo isu soo sharaxday doorashooyinka
Goleyaasha degaanka iyo wakiiladda Somaliland ee degmooyinka iyo goboladda dalka in
ay bisha dhammaadkeeda oo ah 90 cisho ka hor waqtiga doorashada iska casilaan
xubbinnimada ay ka ahaayeen shaqaalaha dawladda, iyaga oo is casilaadooda usoo
gudbinaaya Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda ama Hay’adda ay ka
tirsanaayeen.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxa uu sheegay in ciddii
talaabadas raaci weyda ay waajibaad sharci ka gudan doonto Hay’adda Shaqaalaha
dawladdu,waxa uu sidoo kale tilmaamay in Agaasimeyaasha Guud iyo Xoghayeyaasha
dawladdaha hoose ay iyaguna sidaas oo kale waajib ku tahay inay iska casilaan xilalka
ay hayaan mudadaas loo cayimay ee 90-ka cisho ah ka hor.
Xubnaha Shaqaalaha Dawladda ka Tirsan ee Sharaxan oo loogu baaqay Soo Gudbinta Waraaqaha Iscasilaada
Xubnaha Shaqaalaha Dawladda ka Tirsan ee Sharaxan oo loogu baaqay Soo Gudbinta Waraaqaha Iscasilaada