Wasiirkii horre ee Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji oo geeriyooday

0
Monday February 15, 2021 - 08:47:29 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii horre ee Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji oo geeriyooday

    Wasiirkii horre ee Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji oo geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii horre ee Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji oo geeriyooday

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee difaaca dalka Kenya Yuusuf Xaaji oo dhinaca kalana ahaa Seneter laga soo doorto magaalada Gaarisga.

Maxamed Yuusuf Xaaji waxaa geeridiisa u xaqiijiyay warbaahinta Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo sheegay in muddo ilaa shan bilood ah uu xanuunsayay Seneterka

Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca iyo facaweyn dhinaca siyaasadda marka la eego xildhibaannada iyo Seneterda Soomaalida ku matala dowladda Kenya isaga oo muddo dheer ku soo dhax jira siyaasadda dalkaasi Kenya.

Waxaa uu muddooyinkii danbe ka hor inta uusan xannuusan uu hoggaaminayay guddi loo saaray in ay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Alle ha u naxariisteen Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa dhinaca kale caan ku ahaa magaca [ Yuusuf Xaaji ] waxaana uu dhalay Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, kaas oo lagu garanayo in uu dacwado ku oogo siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.