Maxaa Ka Jira In Isbedel Lagu Sameeyey Qareenadii Soomaaliya Ee Kiiska Badda?

0
Monday February 15, 2021 - 08:53:59 in by salman abdi
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Isbedel Lagu Sameeyey Qareenadii Soomaaliya Ee Kiiska Badda?

    Maxaa Ka Jira In Isbedel Lagu Sameeyey Qareenadii Soomaaliya Ee Kiiska Badda?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Isbedel Lagu Sameeyey Qareenadii Soomaaliya Ee Kiiska Badda? Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay in wax ka bedel lagu sameeyay qareenadii u doodayay kiiska dacwadda Badda oo ay kala dhaxeyso dowladda Kenya. Afhayeenka xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay inuusan jirin isbadal lagu sameeyay qareenadaas, ayna sidoodi u gudanayaan waajibaadka ay dowladda federaalka u igmatay Qareenada ay Soomaaliya u xilsaartay difaacida kiiska dacwadda Badda ayaa kala ahaa; Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dhageysiga dacwadaas oo billaabaneysa 15-ka March. "Qareennada difaacaya kiiska Dacwadda baddeena wax isbaddal ah marnaba laguma sameynin, walina iyagii ayaa nagu matali doona difaaca iyo dhagaysiga oo loo madlanyahay 15-19 Maarso, 2021. Qareennada waxay kala yihiin Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet,” ayuu yiri Maxamed Macalimu. Kiiska dacwadda badda ayaa waxa uu horyaala Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), taasi oo dhowr jeer dhageysigeeda dib u dhigtay, iyada oo shalay ku gacan seyrtay dalab uga yimid Kenya, kaasi oo ay ku codsaneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda. "Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ. Philippe Gautier ayaa intaas ku daray in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, wuxuuna labada dhinac ku war-geliyey inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku matli doodad. Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, ayada oo markan dood ka dhigatay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto, midaasi oo ay ka hortimid dowladda Soomaaliya. Sida horey loo qorsheeyey dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.