Daawo:-Madaxda dowladda federalka waa in ay shakiga ka saaraan in doorasho xalaal ay dhacdo.

0
Monday February 15, 2021 - 18:05:50 in by salman abdi
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:-Madaxda dowladda federalka waa in ay shakiga ka saaraan in doorasho xalaal ay dhacdo.

    Daawo:-Madaxda dowladda federalka waa in ay shakiga ka saaraan in doorasho xalaal ay dhacdo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:-Madaxda dowladda federalka waa in ay shakiga ka saaraan in doorasho xalaal ay dhacdo. Madaxweynihii hore ee Puntland iyo raysal wasaarihi hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay xaaladda ay haatan Soomaaliya marayso in ay sabab u tahay shakiga laga qabo in madaxda dowladda federalka ay doonayaan in ay doorashada musuq maasuqaan.

 

Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyay idaacadda maxaliga ah ee Daljir, ayaa sheegay afartii sano ee lasoo dhaafay dowladdu in ay ku guul daraysatay in ay dalka doorashado xor ah gaarsiiso, dastuurka la dhameystiro iyo in Shabaab laga xoreeyo dalka.

"Maanta waxaan guul darro ahayn oo muuqata ma jirto dhan walba, waxaana ka masuul ah madaxweynaha iyo raga la halmaala,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Wuxuuu sheegay Soomaaliya in ay arrin ugub ah ku tahay marxaladda ay haatan ku jirto, wuxuuna dowladda federalka ugu baaqay in ay mugdiga ka saaraan in dalka laga qabto doorasho xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.