War Deg Deg Ah:-Fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

0
Thursday February 18, 2021 - 15:39:46 in by salman abdi
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

    War Deg Deg Ah:-Fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday alle ha u naxariistee fannaankii weynaa Faarax Siidoow Faarax oo ka mid ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed kuwood loogu jeclaa dhinaca Luuqda.

Waxaa uu ka mid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo Qaranka islamarkaana lahaa heeso iyo suugaan dhaxgal ahaa oo ku jira keydka cajaladaha Radio Muqdisho.

1963-kii ayuu Fannaaka ku soo biiray guud ahaanba Fanka isaga qaaday heeso isugu jira Wadani iyo Jaceyl, heesihiisa ayaa u badnaa kuwo dadka uu ku dhiri-galin jiray shaqada iyo in aan dad kale wax laga sugin.

Laakiin Faarax Siidoow ayaa waayadii ugu danbeeyay isaga fariistay Fanka isaga noqday mu'adin Masjid ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, wiilkiisa ugu weyn carruurta uu dhalay uu hadda yahay macalin Dugsi Qur'aan.

Wareysi uu siiyay mid ka mid ah warbaahinta kol hore ayuu sheegay in uu iska diiday guri laga siiyay Ex Fiyoore oo deegaan u ah inta badan fannaaniinta Soomaaliyeed, isaga oo sidaa u sameeyay in uu carruurtiisa kala fogaado fanka.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii Qaranka Allaha u naxariistee, Faarax Siidoow Faarax,