Wasiir Oomaar oo ka hadlay xaaladda garoonka diyaaradda Muqdisho iyo duulimaadyo caalami ah oo la kansalay

0
Saturday February 20, 2021 - 16:18:50 in by salman abdi
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Oomaar oo ka hadlay xaaladda garoonka diyaaradda Muqdisho iyo duulimaadyo caalami ah oo la kansalay

    Wasiir Oomaar oo ka hadlay xaaladda garoonka diyaaradda Muqdisho iyo duulimaadyo caalami ah oo la kansalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Oomaar oo ka hadlay xaaladda garoonka diyaaradda Muqdisho iyo duulimaadyo caalami ah oo la kansalay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in xaaladda garoonka diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid wanaagsan duulimaadyaduna sidii caadiga ahayd ugasoo dagayaan.

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shirkaddo duulimaadyadooda kansalay sida Ethiopian Airways iyo TurkishAirlines, kuwaas oo berrito dib u bilaabaya duulimaad yadooda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay duulimaadyada la kansalay in aanay la xiriirin xaaladdaha ka taagan magaalada Muqdisho, balse ay jiraan arrimo xagooda ah oo keenta in marar badan ay kansalaan duulimaadyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay diyaarada TurkishAirlinesin ay duulimaad toos ah maalinta berri ah ku imaanayso Muqdisho halka UgandaAirlinesay u baaqatay rakaabka oo ku yaraaday awgiis, sida uu sheegay wasiirku.

Oomaar wuxuu sheegay in madfac ku dhacay nawaaxiga garoonka in aanay wax qatar ah u geysinin shaqada garoonka islamarkaana laamaha amnigu ay baaritaan ku hayaan ciddii falkaas ka dambeysay.