Hogaamiye Xirsi Oo Hadda Ka Hadlay Xaaladda Gadoodka Ciidamada Qaranka Somaliland, Madaxweyne Biixina Farriin Adag U Diray
Hogaamiye Xirsi Oo Hadda Ka Hadlay Xaaladda
Gadoodka Ciidamada Qaranka Somaliland, Madaxweyne Biixina Farriin Adag U Diray Hogaamiyaha xisbiga waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa iminka ka hadlay xaaladda
ciidamada qaranka Somaliland oo qaarkood gadood adag sameeyeen ka dib markii ay ka bilaabantay xaaladda gadoodku
askari ciidamada qaranka ka tirsan oo xaaladdiisa caafimaad waxba looga qaban waayey, dhacdadaasi oo sida todobaadkan
lagu arkayay baraha bulshada ay kaga hadlayeen siyaasiyiin ka tirsan golayaasha qaranka qaarkood.
Sidoo kale aadan cali caawale oo ah sarkaalka dhinaca madaafiicda ciidmada militeriga Somaliland ayaa lagu dhaawacay
xaaladdan gadoodka oo ka dhacday jiida hore ee saldhiga tukeraq, dhinaca kalena ciidamadii militeriga Somaliland ee uu
joogay deegaanka sanaag ee dararweyne ayaa iskaga baxay saldhigyadii nabad ilaalinta labada beelood ee colaaduhu dhex ku
marayeen sanadkii la soo dhaafay gobolka sanaag, kuwaas oo loogu baaqay inaanay ka bixin saldhigyada islamarkaasna amar
diido ku sameeyeen masuuliyiinta ciidamada .
Hogaamiye xirsi oo goordhaweyd xaaladdan ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane
Muuse Biixi Cabdi inaanu dhayalsan xaaladda adag ee gadoodka ee ciidamada qaranka Somaliland .
Hogaamiye Xirsi Oo Hadda Ka Hadlay Xaaladda Gadoodka Ciidamada Qaranka Somaliland, Madaxweyne Biixina Farriin Adag U Diray
Hogaamiye Xirsi Oo Hadda Ka Hadlay Xaaladda Gadoodka Ciidamada Qaranka Somaliland, Madaxweyne Biixina Farriin Adag U Diray