Somaliland Oo Muwaadin Jabuuti Ku Xidhan Kala Heshiisay U Soo Wareejinta Dalka.
Somaliland Oo Muwaadin Jabuuti Ku Xidhan Kala
Heshiisay U Soo Wareejinta Dalka. Xukuumada ayaa la sheegay inay dalka keeni doonto
muwaadin u dhashay oo dalka Jabuuti muddo ugu xidhnaa dembi la xidhiidha
argagaxiso, ka dib markii madaxda Somaliland kala xaajoodeen dhigooda Jabuuti.
Cabdillahi Sheekh Cabdiraxmaan, oo muddo 8 sannadood ku jira xabsi ku yaal dalka
Jabuuti ayaa sannadkii 2014 Hargeysa looga qabtay isaga iyo dad kale eedo la xidhiidha
qaraxyo dalka Jabuuti ka dhacay, balse keligii loo gudbiyey, markii dadkii la xidhna laga
reebay, sida hooyadii Faadumo Ciise u sheegtay warbaahinta 15 June, 2020, "Waxaan
Ahay Hooyo La Dulmiyay Oo Midab Takoor Lagu Sameeyay Wiilkayguna Wuxuu Uxidhan
Yahay Somaliland” ayaa haatan la sheegay in loo soo wareejin doono dalka, si muddada
xukunkiisa ka hadhay ugu dhamaysto, sida ilo- xog-ogaal ah u sheegeen Warg Dawan.
Talaabada Somaliland ee la soo wareegida muwaadinka ayaa la sheegay inay ka
dambaysay, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sareeye Guuto Maxamed
Aadan Saqadhi (Jano-gale) uu wada xaajood kala yeeshay madaxda dalka Jabuuti, gaar
ahaan Taliyaha Booliiska Jabuuti Kornayl Cabdillahi Cabdi Faarax, oo dhowaan kulan ku
dhexmaray dalka Jabuuti.
Dowladda Jabuuti iyo Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah gaar
ahaan dagaalka ka dhanka ah aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama
ay xudduud wadaagaan.
Muwaadin Cabdillahi Sheekh oo muddo ku xidhnaa Jabuuti ayaa Madaxweynaha JSL Md
Muuse Biixi Cabdi 18 June, 2020 sheegay inuu caddaaladdaro ka tirsanayo xukuumadihii
hore, isla markaana arrintiisa kala hadlay madaxda Jabuuti, waxaanu yidhi.
"Waxaa jira nin muwaadina oo reer Somaliland ah oo todoba sano waddanka Jabuuti ku
xidhnaa, oo arrimahaasi falalka argagixisada u xidhnaa oo ka tirsanaya caddaaladaro
xukuumaddihii xukuumaddan ka horeeyay, waanu kala hadalay dowlada Jabuuti faylkiisi
dib ayaa loo furayaa hadii ILLAAHEY yidhaahdo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Md Muuse
Biixi.
Somaliland Oo Muwaadin Jabuuti Ku Xidhan Kala Heshiisay U Soo Wareejinta Dalka.
Somaliland Oo Muwaadin Jabuuti Ku Xidhan Kala Heshiisay U Soo Wareejinta Dalka.