Yaxaasyo Tiro Badan Oo Ka Baxsaaday Oo Hada La Baadi Goobay Iyo Halka Ay Ka Baxsadeen.

0
Friday March 05, 2021 - 09:43:46 in by salman abdi
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaxaasyo Tiro Badan Oo Ka Baxsaaday Oo Hada La Baadi Goobay Iyo Halka Ay Ka Baxsadeen.

    Yaxaasyo Tiro Badan Oo Ka Baxsaaday Oo Hada La Baadi Goobay Iyo Halka Ay Ka Baxsadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaxaasyo Tiro Badan Oo Ka Baxsaaday Oo Hada La Baadi Goobay Iyo Halka Ay Ka Baxsadeen.

Tiro yaxaasyo yar yar ayaa la baadi goobayaa ka dib markii ay ka soo baxsadeen beer lagu xanaaneynayay oo ku taal gobolka Western Cape ee Koonfur Afrika.

Ilaa 27 yaxaas ayaa haatan gacanta lagu dhigay oo la qabtay laakiin saraakiishu waxay qireen in aysan garaneyn inta ay la egtahay tirada yaxasyada baxsadka ah.

Yaxaasyada ayaa la amminsan yahay inay ka baxeen meel uu ka banaanaa xayndaabka beer lagu xanaanaynayay oo ku taal deeganka Bonnievale, waxayna galeen wabiga Breede oo beerta agteeda mara.

Map: Map shows Bonnievale and Cape Town in Western Cape, South Africa

Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inaysan u dhowaan yaxaasyadan baxsadka ah.

"Run ahaantii xayawaanadan duur joogta ah aad ayay halis u yihiin inkasta oo meel lagu hayay," waxaa sidaasi sheegay Petro Van Rhyn oo ah afhayeen u hadashay waaxda duurjoogta ee gobolka Western CapeNature

"Dadku waa inaysan u dhowaan yaxaasyadan oo ay ka fogaadaan webiga inta laga qabanayo dhammaantood.."

Yaxaasyadan, oo la rumeysan yahay inay dhererkoodu gaarayaan 1.5m (4ft 11in), ayaa baxsaday Arbacadii.

CapeNature waxay sheegtay in boolisku unug gaar ah u xil saaray soo qabashada yaxaasyadaas waxaanay adeegsanayaan dabinno ay dhigayaan webiga gebigiisa.