Xaaladda Ceelafwayn Iyo Deegaanada Hoos Yimaada Oo Cudurkii Coronavirus Faro Ba'an Ku Hayo Dad Fara Badana Ku Dilay
Xaaladda Ceelafwayn Iyo Deegaanada Hoos Yimaada Oo Cudurkii Coronavirus Faro Ba'an Ku Hayo Dad Fara Badana Ku Dilay Degmada ceelafwayn ee gobolka sanaag ayaa lagu soo waramayaa in xaaladd culus oo cudurkii
coronavirus ku dilay dad fara badan saacadihii la soo dhaafay waxaana wararku sheegayaan in ay u jiifaan dad fara badan ilaa
iyo hadda lama hayo gurmad caafimaad oo la tacaala xaaladda dadka ku sugan degmada ceelafwayn iyo nawaaxigeeda.
48kii saacaadood ee la soo dhaafay waxaa lagu aasay oo uu dilay ceelafwayn cudurka coronavirus ilaa 5 qof halka ay u jiifaan
dad fara badan, dadweynaha ku sugan deegaanka ayaa iyagu gacmaha dhabanka saaray maadaama oo aan la kala aqoon dadka
uu hayo cudurkan ee aanu weli soo ridan iyo kuwa u jiifa sidii loo daaweyn lahaa,.
Dunida ayaa la tacaalaysay sanadkii 2020kii iyo kan iminka lagu jiro ee 2021 ka oo wadamada qaarkood lagu soo rogay
bandaw halka isu socodkiina la joojiyey, taas oo bedelkeeda dadka safrayana lagu amarya in ay is baadhaan oo hubiyaan
caafimaadkooda, xuduudaha qaaradda yurub ayaan la isku gudbi karin waraaq caddeynaysa badqabka qofka, ganacsigii iyo
dhaqaalihii wadamada yurub ayaa hoos u dhacweyn ku yimi, shaqadii oo is taagtay iyo dadkii qaaradda yurub ku noolaa oo
aan haysan waxay quutaan.
Xaaladda Ceelafwayn Iyo Deegaanada Hoos Yimaada Oo Cudurkii Coronavirus Faro Ba'an Ku Hayo Dad Fara Badana Ku Dilay
Xaaladda Ceelafwayn Iyo Deegaanada Hoos Yimaada Oo Cudurkii Coronavirus Faro Ba'an Ku Hayo Dad Fara Badana Ku Dilay