Puntland Oo Gacanta Ku Dhigey Qaar Kamid Ah Maxaabiistii Ka Baxsatay Xabsiga Magaalada Boosaaso.

0
Saturday March 06, 2021 - 15:27:33 in by salman abdi
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Gacanta Ku Dhigey Qaar Kamid Ah Maxaabiistii Ka Baxsatay Xabsiga Magaalada Boosaaso.

    Puntland Oo Gacanta Ku Dhigey Qaar Kamid Ah Maxaabiistii Ka Baxsatay Xabsiga Magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland Oo Gacanta Ku Dhigey Qaar Kamid Ah Maxaabiistii Ka Baxsatay Xabsiga Magaalada Boosaaso. Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka daba tageen xubno ka tirsan Al Shabaab oo xalay weerar ku qaaday xabsiga magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayna gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah maxaabiistii ka baxsatay xabsiga. Dagaal ayaa la sheegay in uu ku dhexmaray dagaalyano ka tirsan Al Shabaab iyo ciidamada Punltnad buuraha Girible iyo Gaaca oo Koofur kaga beegan magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Sarkaal ka tirsan ciidanka amniga Puntland ayaa Mustaqbal u sheegay "inay ka daba-tegeen dableydii xalay weerartay saldhiga weyn ee Boosaasoā€¯. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ciidammada ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii weeraray xabsiga iyo maxaabiistii ay ku furteen weerarkii xooganaa ee saldhiga Boosaaso Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in iska hor-imaadka ay ku ku dileen tobaneeyo ka tirsan Xoogga hubaysan ee Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay in la wareegeen gacan ku heynta xabsiga ayna xabsigaas ka sii daayeen guud ahaan maxaabiiistii xabsiga ku xidhnayd, oo ay tiradoodu tahay afar boqol qof