Ciidamo Booliis ah iyo maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo+Khasaraha Ka Dhashay.

0
Sunday March 21, 2021 - 12:04:28 in by salman abdi
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Booliis ah iyo maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo+Khasaraha Ka Dhashay.

    Ciidamo Booliis ah iyo maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo+Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Booliis ah iyo maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo+Khasaraha Ka Dhashay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dhaxmaray ciidamada Booliis ah iyo koox maleeshiyaad ah oo la sheegay in ay ka ganacsadaan wax-yaabaha maanka dooriya.

Iska horimaadka ayaa dhacay kaddib markii ay ciidamada Booliiska howlgal qorsheysan ka sameeyeen goob ay ku sugnaayeen koox ka ganacsata wax-yaabaha maanka-dooriya, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Inta la xaqiijinayo ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalka labada dhinac, iyada oo ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda maleeshiyada ah iska caabiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.

Si kastaba dhowaan madaxweyne Deni ayaa amray laamaha ammaanka inay xoojiyaan amniga deegaanada maamulkaasi, kana hortegaan waxyaabaha maanka-bedala.