Shirka arrimaha doorashooyinka oo aan wali si rasmi ah furmin

0
Monday March 22, 2021 - 16:39:49 in by salman abdi
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka arrimaha doorashooyinka oo aan wali si rasmi ah furmin

    Shirka arrimaha doorashooyinka oo aan wali si rasmi ah furmin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka arrimaha doorashooyinka oo aan wali si rasmi ah furmin

Waxaan wali si rasmi ah u furmin shirka maanta oo 22ka bisha Maarso lagu balansanaa in madaxda DF iyo dowlad gobolleedyada uga furmo teendhada afsiyooni ah oo ah aag siweyn loo ilaaliyo, maadaama aysan wali oo xaadirin shirka madaxweynayaaasha Dowlad Gobolleeyada Puntland iyo Jubbaland.

 

 
 
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu shir guddoomiyay kulan hor dhac ay oo yeesheen madaxda DF , dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

 

Hasse ahaatee qoraalka ka soo baxay Villa Soomaaliya laguma soo hadal qaadin in madasha shirka aysan soo xaadirin madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed ee Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa soconaya dadaallo xoog leh oo ay wadaan beesha caalamka oo ku howlan sidii leysugu keeni lahaa dhamaan dhinacyada uu shirkani quseeyo gaar ahaan labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland oo ka biyo diiddan hannaanka loo maamulayo shirka iyo ajandaha looga hadlayo intaba.

ilaa galinka danbe ee maanta ayaa lagu waddaa in uuu shirkaasi si rasmi ah u furmo waa haddii lagu guuleysto dadaallada bulshada caalamka ee leysugu keenayo madaxda Soomaalida.