Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay kala qeyb sanaanta shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho

0
Tuesday March 23, 2021 - 17:13:44 in by salman abdi
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay kala qeyb sanaanta shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho

    Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay kala qeyb sanaanta shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay kala qeyb sanaanta shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in ay isha ku hayaan isbeddellada ka socda Soomaaliya gaar ahaan kulanka Wadatashiga Qaran ee lagu xallinayo khilaafaadka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Midowga Africa ayaa sheegay inuu si aad ah uga walaacsan yahay wararka sheegaya in kulanka aysan u dhamayn dhammaan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Guddoomiyuhu wuxuu ku booriyay daneeyayaasha qaranka inay galaan wadahadal wax ku ool ah oo lagu xallinayo dhammaan arrimaha taagan ee ku saabsan heshiiska heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 iyo talo-soo jeedintii shirkii 16-ka Febraayo 2021 ee Guddigii Farsamada ee Baydhabo ku shiray.

"Waxaan xaqiijinayaa sida ay uga go'an tahay Midowga Afrika inay sii wadaan taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee ku aadan rabitaankooda ah in si deg deg ah loo abaabulo doorasho nabadeed oo hufan" ayuu yidhi Guddoomiyaha Midowga Africa.

Hadalka midowga Afrika ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta mar kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan ka qeyb galin shirka maalintii labaad u socda dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.