Puntland oo awood ciidan ku joojisay mudaharaad looga soo horjeedo oo ka dhacay gobolka Sanaag

0
Wednesday March 24, 2021 - 17:37:29 in by salman abdi
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo awood ciidan ku joojisay mudaharaad looga soo horjeedo oo ka dhacay gobolka Sanaag

    Puntland oo awood ciidan ku joojisay mudaharaad looga soo horjeedo oo ka dhacay gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo awood ciidan ku joojisay mudaharaad looga soo horjeedo oo ka dhacay gobolka Sanaag
Ciidamada Puntland ayaa maanta rasaas ku kala eryay boqolaal qof oo iskusoo baxay mudahaarad loogasoo horjeedo madaxwyenaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

 

Dadweynaha mudaharaadayay oo ku dhawaaqayay ereyo ay kamid yihiin,”Dooni mayno Deni,’ ayaa socod ku maray wadooyinka, waxayna sidoo kale taageero u muujinayeen dowladda federalka Soomaaliya.

Ciidanka amniga Puntland ayaa markii dambe xoog u adeegsaday in ay kala eryaan mudaharaadyaasha

Dhahar oo ah magaalo ay maamulkeeda wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland, ayaa waxaa kasoo jeeda siyaasiyiin caan ah oo ay horay isugu dhaceen madaxweyne Deni.

Waxaa kamid ah guddoomiyihii ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-daareed oo xilka laga qaaday bishii 11-aad ee sanadkii 2019, Cabdijamaan Maxamed Cusmaan oo xilka xildhibaanimo laga xayuubiyay bishii December ee sanadkii tagay.

Waxaa kaloo magaaladaas kasoo jeeda wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo ay Puntlad horay iskugu dayday in ay ka xirto xafiiska dadweyne oo halkaas ugu furan.